Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xamas oo weeraro culus ku ekeysay ciidamada Israel ee duullaanka ku ah GAZA

Talado , October -31- 2023-{HMC} Xamas ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay gantaallada lidka taankiyada ku weerareen ciidamada duulaanka ah ee Israel, xilli ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu uu ku gacan sayray baaqyo ku aadan in la hakiyo dagaalka Marinka Gaza.

Israel ayaa ballaarisay duullaanka dhulka ah ee ay ku qaaday Marinka Gaza, si ay uga aargudato weerarkii ay Xamas ku qaaday 7-dii October oo lagu dilay in ka badan 1400 oo israa’iiliyiin ah.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada Israel ay beegsadeen dhinaca koonfur waqooyi ee Gaza, balse ay iska cabin xooggan kala kulmeen dagaal-yahannada Xamas.

Guutada Al-Qassam, oo ah gabarbka militari ee Xamas ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay isku dhaceen ciidamada duullaanka ah, aagga koonfureed ee Gaza, ayna la beegsadeen in ka badan 105 gantaallada lidka taankiyada ah.

Dagaal-yahanada ayaa sidoo kale laba taanki oo ciidamada Israel ay leeyihiin ku beegsaday waqooyiga Gaza, sida lagu sheegay bayaanka Al-Qassam.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in tirada dhimashada shacabka ay duqeymaha ku dileen ciidamada Israel ay gaartay 8,306, oo ay ku jiraan 3,457 caruur ah.

Saraakiisha QM ayaa sidoo kale sheegay in in ka badan 1.4 milyan oo qof oo ka mid ah shacabka gaaraya 2.3 ee Gaza ay hadda yihiin hoy la’aan.

Khasaaraha dhimasho ee sii kordhaya ayaa qasbay in Mareykanka, oo ah xulufada koowaad ee Israel, iyo dalal kale ay ku baaqaan in la hakiyo duullaanka, si loo ogolaado in gargaarka uu gaaro Gaza.

Si kastaba, Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in Israel aysan ogolaan doonin xabad-joojin ay la gasho Xamas, ayna sii wadi doonto duullaanka.

“Baaqyada ku saabsan xabad-joojinta waa baaqyo ah in Israel ay isku dhiibto Xamas. Taasi ma dhici doonto,” ayuu yiri Netanyahu.

Si kastaba, xeel-dheerayaasha militari ayaa sheegaya in ciidamada Israel ay si tartiib ah ku wadaan duullaanka dhulka ee ay ku qaadeen Gaza, taasi oo qeyb ka ah ayada oo Israel ay eegeyso suurta-galnimada wada-xaajood lala galo Xamas oo gacanta ku haysa 239 oo Israa’iiliyiin ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA