Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dal Israa’iil xiriirka diblumaasiyadeed u jaray iyo kuwa kale oo safiiradooda u yeertay

Arbaco, November -1- 2023-{HMC} Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay xiriirka diblumaasiyadeed ay u jartay Israa’iil, iyadoo sababtana ku sheegtay “weerarada gardarrada ah ee aan loo meel dayin ee ay Qasa ku hayso.

Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda dalka Bolivia Freddy Mamani ayaa wariyaasha u sheegay in go’aankoodu yahay in ay ku cambaareeyeen Israa’iil weerarada gardarrada ah ee milatarigeedu ku hayo Marinka Qasa.

Hoggaamiyaasha Colombia iyo Chile ayaa iyaguna safiiradoodii u fadhiyay Israa’iil u yeertay sababo la xiriira duqeymaha iyo weerarada Israa’iil ay ka gaysanayso Qasa.

Madaxweynaha dalka Chili Gabriel Boric Fonts ayaa bartiisa X, ku sheegay in dalkiisu uu si xooggan u cambaareynayo isla markaana aan wax la aqbali karin ay tahay xadgudubyada bini aadanimo ee halkaa ka dhacaya?

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa isna bartiisa X, ku baahiyay “haddii Israa’iil aaney joojineynin xasuuqa Falastiiniyiinta halkaa ma sii joogi karno,”.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA