Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dhaawacyadii ugu horreeyay oo laga soo daadgureeyay Gaza

Arbaco, November -1- 2023-{HMC} Warbaahinta Masar iyo ilo ku sugan xudduudka ayaa sheegay in kooxdii ugu horreysay ee dhaawaca ah ee laga soo daadgureeyay marinka Gaza ay Arbacadii kasoo gudbeen xadka Masar, iyada oo la raacayo heshiis ay Qadar garwadeen ka tahay oo ay wada gaaren Masar, Israa’iil iyo Xamaas, xilli ciidamada Israel ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Xamaas.

Dadka lasoo daadgureeyay ayaa lagu daabbulay gawaarida gurmadka degdega ah, iyadoo lasii maray marinka xadka Rafah.

Sida ku cad heshiiska ay wada gaareen Masar, Israel iyo Xamaas, waxaa loo oggolaan doonaa tiro ajaanib ah iyo dadka dhaawacyada culus qaba inay ka baxaan dhulka go’doonsan.

heshiiska ayaa yimid maalin kale oo dhiig ku daatay Qaza oo duqeyn cirka ah oo Israel ay ku dishay ilaa 50 qof xero qaxooti, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin.

Israa’iil waxay sheegtay in weerarkaas ay ku dishay taliye sare oo Xamaas ah iyo dagaalyahanno kale oo badan.

Isgaarsiinta iyo adeegyada internetka ayaa gabi ahaanba laga jaray Gaza mar kale Arbacadii, sida ay sheegtay shirkada bixisa adeegga isgaarsiinta Gaza ee Paltel.

Ilo dhanka ammaanka ah oo Masar ka tirsan ayaa sheegay in ilaa 500 oo qof oo haysta baasabooro ajnabi ah ay ka gudbi doonaan xadka Rafah maanta.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA