Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Golaha Ammaanka oo ansixiyey qaraar lagu cusbooneysiinayo muddo xileedka howlgalka UNSOM ee Somalia

Arbaco, November -1- 2023-{HMC} Golaha Ammaanka ee QM ayaa Talaadadii ansixiyey qaraar lagu cusbooneysiinayo muddo xileedka howlgalka QM ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOM, illaa 31-ka October 2024.

Qaraarka 2705, oo ay si aqlabiyad ah isugu raaceen 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, ayaa ka codsanaya UNSOM inay sii waddo joogteynta iyo xoojinta joogitaankeeda Soomaaliya, ayada oo la tashaneysa dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada, iyo Midowga Afrika.

Wuxuu ku dhiirigelinayaa UNSOM inay sii waddo isku-duwidda dadaallada Qaramada Midoobay, oo ay kordhiso hababka wadajirka ah iyo barnaamijyada wadajirka ah ee meelaha ay khusayso, si loo taageero dowlad-dhisidda iyo nabad-dhisidda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay in joogitaanka UNSOM uu muhiim u yahay la-dagaalanka AS balse waxay xustay in AS aan looga guuleysan karin oo kaliya hab militari, balse sidoo kale ay tahay wax laga qabto arrimaha dhiiri-geliya sida fursad la’aanta dhaqaale.

UNSOM ayaa waxaa aas-aasay Golaha Ammaanka ee QM June, 2013, si loo taageero dowlad dhiska iyo nabad-dhiska Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay in joogitaanka UNSOM uu muhiim u yahay la-dagaalanka argagixisada balse waxay xustay in argagixisada aan looga guuleysan karin oo kaliya hab militari, balse sidoo kale ay tahay wax laga qabto arrimaha dhiiri-geliya sida fursad la’aanta dhaqaale.

UNSOM ayaa waxaa aas-aasay Golaha Ammaanka ee QM June, 2013, si loo taageero dowlad dhiska iyo nabad-dhiska Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA