Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxay tahay sababta uu ninkan ku diiday in uu isaga baxo Qasa maadaama uu haysto basaboor British ah?

Arbaco, November -1- 2023 {HMC} Muhammad Al-Ghalayini waa cilmi-baare dhanka sayniska ah waxa uu horraan ku noolaa magaalada Manchester ee waqooyiga England, wuxuuna tan iyo bilowgii dagaalka ku sugnaa Gaza isagoo booqday qoyskiisa.

Al-Ghalayni ayaa in uu Arbacadii booqday marinka Qaza ee xadka Masar, maadaama qaar ka mid ah qoyskiisa ay haystaan baasaboorka Urdun ah, waxaana loo sheegay in ay ku jiraan liiska dadka loo oggol yahay in ay ka baxaan marinka Qaza ee Masar.

Maxamed waxa uu sheegay in uu jiro sarkaal jooga isgoyskaas oo haystay liis ay ku qoran yihiin magacyada dadka la ansixiyay, “laakin liiska kuma jirin British”, inkastoo jinsiyado kala duwan ay ka diiwaan gashan yihiin, sida Austrian. Urdun, Indonesian, iyo Australian, sida uu tilmaamay.

Laakiin Al-Ghalayni laftiisu waxa uu sheegay in uu ku sugan yahay Qaza, uusanna bixi doonin, waxa uu sheegay in uu rabo in uu caalamka u soo bandhigo waxa ka socda Qasa.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA