Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii ugu dambeeyay Dibadbaxyo ka billowday Magalada Dhuusamareeb

Arbaco, November -1- 2023-{HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dibadbaxyo ballaaran ay ka billowdeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa degmadaasi.

Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada, ayaga oo kasoo horjeedo dilkii xalay halkaas oo loogu gaystay Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ahaa ganacsato, kuwaas oo dilay aano qabiil darteed.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in cadaaladda la horkeeno raggii ka dambeeyay dilka loo gaystay labadaas marxuun oo caan ka ahaa deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay waddo baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi , si gacanta loogu soo dhigo eedeysanayaasha.

Axmed Shire Falagle oo ah lataliyaha arrimaha bulshada ee madaxweynaha Galmudug oo dhankiisa ka hadlay dhacdadaan ayaa shaaca ka qaaday inay u arkaan mid lagu xagal daacinayo dagaalka ay dowladda federaalka iyo Galmudug ay kula jiraan AS.

“Galmudug waxay haatan ku jirtaa dagaal ahli ah, waxay kula jirtaa Khawarijta, cid kasta oo xagal daacineysaa waxay noo tahay bartilmaameed” ayuu yiri Falagle

Dilka loo gaystay labada ganacsi ayaa cabsi ku abuuray dadka deegaanka, taas oo si weyn looga dareemayo magaalada Dhuusamareeb ee xunta maamulka Galmudug.

Si kastaba, Galmudug ayaa waxaa haatan kasoo cusboonaaday dagaal beeleed horleh oo u dhexeeyo labada maleeshiyo beeleed, kuwaas oo ku dagaalamay deegaanka Xananbuure oo dhanka waqooyi qiyaastii u jirta illaa 45 kiilo mitir gudaha magaalada Dhuusamareeb.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA