Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Cabsida laga qabo inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabeelle oo sii kordheysa

Waxaa sii kordhaya cabsida iyo walaaca laga muujinaayo inuu Fatahaad ka sameeyo wabiga Shabeelle deegaano ka tirsan gudaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo qeybo ka mid gudaha Soomaaliya.

Muqaalo laga soo duubay Wabiga Shabeelle ee deegaanka Iimeey Galbeed ee dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa muujinaayay baaxada biyo aad u tiro badan oo uu wado Wabiga.

Qof ka mid ah dadka deegaankaas ayaa sheegay in biyaha Wabiga uu wado ay yihiin kuwa xoog badan, islamarkaana ay suurtagal tahay iney ku fatahaan deegaan kasto oo ay biyuhu horay fatahaado uga geysan jireen.

“xaaladu aad bay uga dawantahay sidii hore marka dadka wabishabelle jiinkiisa dagan ha gaadho fariintani waa biyo aad u xoog badan habeenimo ma ogii laakin Malin biyo kabadan kuwan ma marin inta dayrtan lagu jiro” ayuu yiri Axmed Shumburo oo ka mid ah dadka deegaanka Iimeey Galbeed.

Gudaha Soomaaliya meelaha haatan cabsida xoogan laga dareemayo waxaa ka mid ah magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, maadama uu wabiga dhexmara Baledweyne uu yahay mid heerka biyahiisa ay sareeyan, islamarkaana hadii biyo kale oo badan ay kusoo darsoomaan uu fatahaad sameyn doono.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA