Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka Loo Xil Saaray Daminta Colaada Sh.Dhexe Oo Uruuriyay Hub Laga Qaaday Dhinacyada Dagaalamay

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} Ciidanka daraawiishta booliiska iyo Nabad sugidda ee dowladdu u dirtay inay kala dhex galaan maleyshiyo beeleedyo ku dagaalamaya gobolka Shabeelada dhexe ayaa gaaray deegaano hoos yimaada degmada Cadale ee gobolkaas.

Ciidamada ayaa gaaray deegaanada kala ah Cadow-uul, Garasweyne, Xaaji-Cali, Ceel-muluq, laba-garas, Goof-hareeri, Geel-gub, Burto-Shiikh, Geyfo, Boos-muluq iyo Biyo-madoobe, oo dhamaantood ah kuwii ay maleeshiyo beeleedyadu ku dagaalameen.

Ciidanka ayaa kala dhex galay maleeshiyadii ku diriray deegaanadaas waxaana howlgallo ay sameeyeen hub ka dhigis ku sameeyeen qaar ka mid ah maleyshiyaadkii dagaalamay, iyadoo amar cad la dul dhigay sida uu xaqiijiyey taliyaha Ciidanka daraawiishta Sarreeye Guuto Cabdulahi Mire.

Maleeshiyaadkii ku dagaallamay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaana dowladda kala dhax dhigtay ciidamo katirsan nabad sugida iyo daraawiishta booliiska, waxa ayna ciidamada wadaan in hub ka dhigis ku sameeyaan maleeshiyaadka hubeysan.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA