Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Israel oo iska caabin lama filaan ku noqotay kala kulmay Ururka Xamaas

Khamiis, November-2- 2023-{HMC}  Taangiyada iyo ciidamada Dowladda Israel ayaa maanta mar kale u dhaqaaqay dhanka magaalada Gaza, balse waxay iska caabbin adag kala kulmeen Xamaas oo isticmaalaya madaafiic iyo weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo laga soo tuurayay godad dhulka hoostiisa mara, iyadoo tirada dhimashada Falastiiniyiinta ay korortay duqeynta oo socda ku dhawaad afar toddobaad.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, dagaalku wuxuu kusoo wajahan yahay xarunta ugu weyn ee dadka ku nool Marinka Gaza ee waqooyiga, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxda Xamaas.

Xukuumada Yahuuda ayaa dadka ka codsanaysa inay ka baxaan aagga Gaza, iyada oo wacad ku maraysa inay gebi ahaanba ay baabi’in doonto ururka Xamaas. “Waxaan joognaa irdaha magaalada Gaza,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Israa’iil Itzik Cohen.

Ururka Xamaas iyo xulafadooda Islamic Jihad ayaa kasoo baxayay godad dhulka hoostiisa ah, oo rasaas ku ridayay taangiyada Israa’iil, iyada oo muuqaallo laga soo duubay labada kooxoodba ay muujiyeen hawlgallo qaab jabhadeed oo ka dhan ah ciidan aad uga awood badan.

“Habeenkii oo dhan ma aysan joojin duqeynta magaalada Gaza,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka halkaas ku nool, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin. “Laakin subaxnimadii waxaan ogaanay in ciidamada Israel ay weli ku sugan yihiin bannaanka magaalada,, taasina waxay la macno tahay in iska caabbintu ay ka culus tahay sidii ay filayeen.” ayuu raaciyay.

Taliyayaasha Ciidamada Israa’iil carrabka ku adkeeyay dhibaatooyinka ay leedahay dagaalka magaalada dhexdiisa ah, waxayna istaraatiijiyadoodu hadda u muuqataa inay xooggoda iskugu geynayaann waqooyiga Marinka Gaza halkii ay weerar dhulka ah ku qaadi lahaayeen dhammaan dhulkaas.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA