Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Sirdoonka Soomaaliland oo gacanta ku dhigay koox basaasiin ah

Khamiis, November-2- 2023-{HMC} Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay todoba iyo toban basaasiin ajinabi ah.

Warkan oo lagu baahiyay barta X ee hore loogu yaqaanay Twitterka, ayaa lagu sheegay in hawlgalo laga fuliyay xaafadaha Hargaysa oo ay ka qaybqaateen ey loo yaqaan K9 Unit, oo dhawaan ay hay’addu soo iibsatay.

“Hay’adda Sirdoonka Somaliland oo adeegsanaysa K9 Unit ayaa hawlgalo qorsheysan ka fulisay xaafadaha magaalada Hargaysa, kuwaas oo lagu beegsaday shabakado basaasiin ajaanib ah” ayaa lagu yidhi warbixinta sirdoonka.

“Hawlgalkan ayaa lagu soo qabtey todoba iyo toban qof, waana hawlgalkii koowaad oo ay ka qeyb qaadanayaan K9 Unit” ayay warbixintu ku dartay.

Hawlgalo lagu ugaadhsaday kooxo kala duwan oo lagu eedeeyay in ay yihiin basaasiin iyo argagixiso oo ajaaniib ah, ayay hay’addu fulisay kadib markii dhawaan loo magacaabay taliye cusub.

31 October ayaa hawlgal ay hay’adda Sirdoonku fulisay lagu soo qabqabtay koox ka kooban toban nin oo ajaaniib ah oo looga shakiyay argagixiso.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA