Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ugu yaraan 29 qof ayaa lagu dilay duqeyn Israel ka geysatay Magaalada Gaza

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC}  Ugu yaraan 29 qof ayaa lagu dilay duqeyn Israel ka geysatay mar kale xerada qaxootiga ee Jabalia ee Magaalada Gaza.

Duqeynta Israel ayaa ayaa sidoo kale lagu dhaawacay daraasiin kale, waana weerarkii saddexaad ee lagu qaaday xerada qaxootiga ee Jabalia maalmo isxiga.

Weriye ka tirsan Wakaaladda ayaa sheegay in ciidamada Israel ay gantaal ka rideen iskuul ku yaal xerada, halkaasoo ay ku dhinteen 27 qof oo u badan rayid gabaadsanayey Iskuulka. Wuxuu sheegay in laba qof oo kale lagu dilay gantaal kale oo ku dhacay gaari.

Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in 35-ka ka mid ah 35 isbitaal oo ku yaal Gaza ay fariisteen ka din shidaal la’aan

Isbitaalka saaxiibtinimo ee Turkiga iyo Falastiin, oo ah cusbitaalka kansarka kaliya ee Gaza, waxaa lagu qasbay inuu joojiyo shaqada shidaal la’aan awgeed.

Nolosha 70 bukaan oo kansar looga daweynayey isbitaalka ayaa haatan wajahaya xaalada adag,” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Falastiin ee MAI Al-Kaila.

Tirada dhimashada ee Gaza ayaa kor u kacay waxayna gaartay 9,061 qof, oo ay ku jiraan 3,760 carruur ah.

Dad gaarayaa 256 qof oo rayid ah ayaa maanta oo kaliya lagu dilay duqeymaha cirka ee Israel sida ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka Gaza

Waxaa sidoo kale jira dad gaaraya 2,600 oo oo nolol iyo geeri lagu heynin, kuwaasoo ku hoos jira burburka goobaha la duqeeyey ka dib markii la awoodi waayey in laga saaro kuwaasoo ay ku jiraan 1,150 carruur ah, waxaana loo badinayaa iney dhinteen.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA