Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Uqeeybsanaha Ciidamada Macawiisleyda oo la kulmay Gudoomiyaha SODMA.

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku qaabilay u qeybsanaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha ee macawislayda Mudane Cali Jayte Cismaan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii hay’addu u sii xoojin lahayd howlaha gargaarka ee la gaarsiinayo degaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo ka warqabka qoysaska ciidanka Macawisleyda ee naftooda u huraya nabadeynta waddanka.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa u ballan qaaday u qeybsamaha xafiiska Madaxweynaha JFS ee Macawisleyda, in ay hay’addu si dhow ugala shaqeyn doonto arrimaha samafalka ee uu dalbaday iyo sii laba jibaaridda u gurmashada dadka nugul ee la dhibaatoonaya saameynta abaaraha muddada dheer ah iyo fatahaadaha roobabka xooggan ee dalka ka da’aya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA