Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa ka jira hadalka in ‘375 qarax’ ay ka dhaceen Soomaaliya laba bil gudahood

Khamiis, November-2- 2023-{HMC} Warbaahinta gudaha Soomaaliland ayaa baahiyay warbixin ku saabsan dhaqtarad Adna Aadan aoo sheegtay ‘in gudaha Soomaaliya ay ka dhaceen 375 qarax muddo laba bil iyo bar gudahood ah’.

Warbixinadooda ayay qaar kamid ah warbaahintu raaciyeen hadalka Adna oo xogtaan aqrineysa.

“Dalkaan aan jaarka nahay ee Soomaaliya. ee isku keen dhereriy…waxaa ka dhacay dalkaa 375 qarax iyo dagaal,” ayay tiri Adna oo munaasabad khudbad ka jeedineysay.

Khudbadaan Adna ayaa hadal hayn ka abuurtay baraha bulshada, iyada oo dad badan is weydiinayaan sida ay suuragal ku tahay in mudadaas kooban ay waxaa oo dhibaato ah ka dhici karto gudaha Soomaaliya.

Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta ayaan ahayn mid nabad badan lagu yaqaano, balse waxay shacab badan oo Soomaaliyeed wax iska waydiinayaan tirada qaraxyada iyo dagaalada la xusay.

Xagee Adna ka keentay Xogtaan?

 


Waxay u egtahay in Adna soo xiganeyso warbixin ay baahisay hay’adda (ACLED) oo ay kaydisa dhamaan xogaha la xiriira qalalaasaha siyaasadda iyo dhacdooyinka banaanbaxyada ee ka dhaca dunida oo dhan.

Hay’adaan oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa 15 kii September ee sanadkaan baahisay xog tibaaxeysa dhacdooyinka la xiriira amni daradda siyaasadeed ee ka dhacay gudaha Soomaliya laga soo bilaabo dhamaadkii bishii todobaad ee sanadkaan.

Hay’adda ayaa warbixinteed ku tiri: “Laga soo bilaabo 22 kii July ilaa 8 dii September, ACLED waxay diiwaan galisay ku dhawaad 375 amni darro siyaasadeed ah iyo in ka badan 1,500 oo dhimasho ah oo ka dhacday Soomaaliya,”

“Amni darrada siyaasadeed ayaa kor u kacday 70% maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug bishii la soo dhaafay, marka la barbar dhigo bilihii ka horeeyay, kadib markii dawladdu si rasi ah u bilowday wajiga labaad ee dagaalka al Shabaab,”.

Amni darrada siyaasadeed ee kordheysa ayay warbixinta hay’adaan inteeda badan ku saleysay dagaalada ka dhanka ah ururka al Shabaab ee ka socda labada maamul goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug.

“Ciidamada amniga ayay u suuragashay inay dhimasho xoog leh gaarsiiyeen ururka al Shabaab,” ayay warbixintaan leedahay.

Qaraxyada ka dhacay gudaha Soomaaliya ayay warbixintaan sheegeysaa inay ku jiraan kuwa ay sameeyeen dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah. Tusaale ahaan 22 dhacdo oo qaraxyadaas ah ayay ku macneysay duqaymo ay gudaha Soomaaliya ka fuliyeen Maraykanka, Kenya iyo ATMIS.

Balse waxaa lagu daray warbixintaan in ugu yaraan lix duqaymo ah ay haleeleen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

BBC da ayaa mar sii horeysay baahisay mid ka mid ah duqaymahaas oo ay ku dhintaan ku dhawaad todoba qof oo shacab ah oo mid kamid ah ay ahayd haweneey 61 jir ahayd oo buush kula jirtay shan caruur ah oo ay ayeeyo u ahayd.

Dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay xilligaas inaan wax ka waydiino masuuliyadda duqaynta ayaa sheegtay inaysan jirin wax shacab ah oo ku dhintay duqayntooda.

Warbixintaan ayaa xustay in dhacdooyinka ugu badan ee keenay dhimashada kor u dhaafeysa 1000 ruux ay ahaayeen dagaalo fool ka fool ah oo lala galay al Shabaab.

Hay’adda ayaa sheegtay inay diiwaan galisay 230 dagaal oo dhacay.

Dawladda Soomaaliya ayaa iyana dhankeeda baahisay dhawaan inay in ka badan 3000 oo xubnood oo katirsan urur al Shabaab ay ku dileen dagaalada bilihii la soo dhaafay.

Meesha ugu badan ee dhimashada ay sababeen dagaaladu ay ka dhacday ayay warbixintaan sheegeysaa inay tahay gobolka Galgaduud, waxaana ku xiga dawlad goboleedka Hirshabelle.

Dawlad goboleedka Galmudug ayaa haatan xuddun u ah dagaalka lagula jiro al Shabaab, halkaas oo uu saldhig ka dhigtay bilihii ugu dambeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa dadka deegaanka ayaa saldhigyo ku leh deegaano kala duwan oo kamid ah gobolada Galgaduud iyo Mudug ee uu ka arrimiyo dawlad goboleedka Galmudug.

Xigasho BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA