Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa ka Jira in odayaal loo xir-xiray colaadda ka taagan Sh/Dhexe?

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada booliska HirShabelle ay qaadeen tallaabooyin ka dhan dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobolka, kuwaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Ciidamada ammaanka ayaa soo xiray ugu yaraan siddeed oday dhaqameed oo loo haysto inay ku lug lahaayeen hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanada kala ah Tugaarey iyo Gaashaale oo maalmo dhaweyd ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

Odayaasha ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo xiray saldhigga booliska magaalada Jowhar, halkaas oo ay su’aallo ku weydiinayaan saraakiisha laamaha ammaanka.

Nabadoon Maxamuud Ibraahin oo kamid ah waxgaradka ku baxay colaaddaas ayaa warbaahinta u sheegay in haatan ay ku guulaysteen kala qaadista labada ciidan.

“Kolley ciidamadii waa kala qaadanay kadibna waxaa la hadlay odayaasha deegaanka, wixii dhimana waa kasii wada-hadleynaa” ayuu yiri Nabadoon Maxamuud Ibraahim.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in haatan xaaladda ay deggan tahay, ayna sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa xallinta xiisaddaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laal laabtay dagaal beeleedyada, waxaana haataan faragelisay dowladda dhexe oo ciidamo boolis ah gaysay gobolkaasi.

Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo beegmay maalmo uun kadib markii deegaanka Burka Dirimeed lagu soo gabagabeeyay gogol dib u heshiisiin ah oo loo dhigay beelaha dagaalamay, inkastoo heshiiska kadib ay halkeeda kasii bilaabatay colaadda labada dhinac.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA