Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamadda Ciidanka oo xukunno ku riday Sheegow iyo Ciidankiisa

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday Sheegow iyo ciidan uu watay, iyada oo Maxkamaddu ay ku riday xukunno isugu jira; dil, mag iyo sannado xabsi ciidan ah.

Ugu horreyn Maxkamadda ayaa Sheegow Axmed Cali ku xukuntay Bixinta Diyada Sakariye Maxamed Cali oo ku baxay Fal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay iyo 10 sano oo xabsi Ciidan ah.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa Axmed Maxamed Xasan {Abii Axmed } taliyaha Ciidanka Sheegow ku xukuntay dil toogasha ah, iyada oo Maxkamadda ay ku eedeysay in uu Maxkamadda ku taal Magaalada Jowhar ku dilay laba eedeysane February 13, 2023-ka.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Caasho koos ”Waxaan ku Baaq in la joojiyo Dagaal Beeleedyada”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Caasho koos ''Waxaan ku Baaq in la joojiyo Dagaal Beeleedyada'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Gen Bashiir Ameeriko Ninka uga Sareeya Sirdoonka Ethiopia ku arkay Gudaha Xalane

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Gen Bashiir Ameeriko Ninka uga Sareeya Sirdoonka Ethiopia ku arkay Gudaha Xalane HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA