Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Waa kuma dalkan aan islaamka ahayn ee ku dhiirraday go’aanka ay dalalka islaamka ku dhiirran waayeen

Khamiis, November-2- 2023-{HMC} Bolivia ayaa si rasmi ah u sheegtay inay u jartay xiriirkii diplomaasiga ahaa ee ay la lahayd Israa’iil ka dib dagaalka Qasa.

 

Wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee Bolivia Freddy Mamani ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay habeenimadii talaadada ku xaqijiyey inay jareen xiriirkaasi, sababtuna tahay weerarrada ay Israa’iil ka gaysanayaan Qasa, kuwaas oo waxyeelo ba’an ka soo gaarayso dadka rayidka.

 

Sidoo kale wasiirka madaxtooyada ee Bolivia Maria Nela Prada ayaa ku dhawaaqday in waddanku gargaar bini’aadantinimo u diri doono Qasa.

 

“Waxaan dalbaneynaa in la joojiyo weerarrada Marinka Qaza, kuwaasi oo ilaa hadda sababay kumanaan dhimasho oo rayid ah iyo barakaca qasabka ah ee Falastiin,” ayay ku tiri shirka jaraa’id.

 

Israa’iil ayaa Bolivia ku eedeysay inay argagaxiso taageero u muujiyeen iyo inay xiriir la leeyihiin Iran.

 

Wasaarada arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa sheegtay inay hoos u dhigtay go’aankaas balse uusan awalba xiriir wanaagsani oo muuqda kala dhaxayn dalkaasi tan iyo markii uu xukunka dalkaasi qabtay Madaxweyne Luis Arce.

 

Dalalka dariska la ah Bolivia ee ku yaal latin America sida Colombia iyo Chile ayaa iyaguna u yeeray safiiradooda ka jooga Tel Aviv si ay wada tashi ula yeshaan.

 

Dhanka kale labadan dal ayaa cambaareeyaan dhimashada dadka rayidka ah ee Qasa, waxayna ku baaqeen xabad joojin.

 

Dalalka Carabta iyo Dagaalka Qasa

Waddamada carabta ayaa bilowgii colaadda si u muuqatay heer dabacsan kaga hadlay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

 

Dalalka Urdun, Masar iyo Sacuudiga ayaa ku baaqay in dhinacyadu xabbad joojin sameeyaan si loo ilaaliyo dadka rayidka ee aan waxba galabsan labada dhinacba.

 

Boqorka Urdun ayaa booqashooyin ku tagay dalalka Yurub isagoo dalbaday in la joojiyo dagaalka si uusan ugu fidin gobolka.

 

Laakin Sacuudiga ayaa sheegay in duqaymaha Israa’iil ay dhibaato weyn u gaysanayaan rayidka ee Qasa, loona baahan yahay in la loojiyo ka dib socdaal uu ku tagay Riyaad Xogahayaha arimaha dibada Maraykanka Anthony Blinken.

 

Masar ayaa ku tilmaaantay go’aan khalad ah markii milatariga Israa’iil uu ugu baaqay shacabka Qasa inay halkaa ka guuraan muddo kooban gudaheed.

 

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi ayaa sheegay in taasi ay ka hor imaanayso xeerka caalamiga, dalkiisuna uusan soo dhaweynayn dalabkaasi.

Talaabadan ay qaadday Bolivia ayeysan ku dhiirran dalalka carbeed iyo jaamacadda carabta.

Israa’iil oo shacabkeeda hubaynaysa

Dagaalka Qasa ee socda iyo weerarki Xamaas ay ugu magac dareen duufaantii Qasa ka dib, Israa’iil ayaa shacabkeeda hubaynaysa tiro aan hore loo arag.

 

Iyadoo la eegayo amni la’aanta iyo badbaadada, ciidamada ammaanka Israa’iil waxay dhiirigaliyeen in magaalooyinka Israa’iil laga dhiso 600 oo koox oo ilaalada madaniga ah oo ka fog goobaha ay colaaduhu ka socdaan, taas oo ku kalliftay Israa’iiliyiinta inay is hubeeyaan oo ay dalbadaan ruqsad ay ku qaataan hubka.

 

 

Guddiga amniga ee baarlamaanka ayaa ansixiyay toddobaadkii ugu horreeyay ee dagaalka Gaza xeerarka ballaarinaya shuruudaha helitaanka shatiga lagu qaato hubka, iyo sidoo kale dadweynaha xaqa u leh shatiyada.

 

 

Marka loo eego qiyaasaha ay maqleen Guddiga Ammaanka, xeerarka cusub waxay ka dhigan yihiin in ku dhawaad 400,000 oo Israa’iiliyiin ah oo dheeraad ah ay awoodi doonaan inay codsadaan shatiga hubka.

 

 

Xeerarka cusub ayaa sidoo kale siinaya gabadh kasta oo Israa’iiliyad ah inay gasho adeega qaranka muddo sannad ah, ayna hesho fursad ay ku codsato ruqsad ay ku qaadato hubka.

 

 

Si gaara dadka ku nool deegaan beereedka kibbutzim iyo deeganada ku dhow ayaa dalban kara hubka.

 

 

Tan iyo markii ay bilowdeen dagaalka dhanka koonfureed ilaa bilowgii todobaadkii afraad ee dagaalka Qasa, 174,453 codsi ayaa soo gaaray si ay u helaan shati ay ku qaataan hubka, sida uu sheegay wargeyska Yedioth Ahronoth Talaadadii.

 

 

Wasaaradda Difaaca ee Israa’iil ayaa xarumaheeda ka furtay guud ahaan dalka iyadoo lagu jiro xaaladda degdegga ah, waxayna xogteeda muujisay in xarumuhu helaan celcelis ahaan 10,000 codsiyo cusub ah maalin kasta dadka doonaya inay hubka qaataan, halka qiyaastii 850 codsi la heli jiray toddobaad kasta ka hor inta uusan bolaaban dagaalka hadda socda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA