Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dagaalka Gaza oo Galay Maalintii 27 aad duqeymo iyo dagaalo toos ah oo ka socda

Jimco, November-3- 2023- {HMC}  Ciidamada Yuhuuda ayaa weli sii wada duqeymaha arxan darada ah ee ay ka geysayanaan magaalada Gaza, iyadoo dagaalka dhinaca dhulka ah ee u dhexeeya milateriga Israel iyo Xamaas uu sii socdo.

Diyaaradaha Israel ayaa duqeeyey dhismayaal guryo ah oo ku yaalla xerada Qaxootiga ee Bureij Magaalada Gaza.

Isbitaalka al-Aqsa ee ku yaal bartamaha Gaza ayayu ku adkaatay inay kala soocaan dhaawacyada dadka nool iyo kuwa dhintay.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay duqeyntaas halka tiro kale oo ka badana ay ku dhaawacmeen duqeyntan sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka ee Gaza

In ka badan 3,700 carruurta reer Falastiin ah ayaa lagu dilay muddo bil ah, kuwaasoo qeyb ka ah dad ka badan 9000 kun oo lagu xasuuqay Gaza.

Israa’iil ma cadeynin sababta ay u beegsadeen xerada qaxootiga Bureij oo ku taal bartamaha Gaza.

Dagaalo toos ah ayaa weli gudaha magaalada Gaza ku dhexmaraya ciidamada Yuhuuda iyo kuwa Xamaas.

Afhayeenka Xamaas ayaa sheegay in khasaare xoogan ayu u geysteen ciidamada Israaiil, ayna ka laayeen askar badan sidoo kale ka gubeen gaadiid kala duwan iyo Taangiyo

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA