Friday, July 12, 2024
spot_imgspot_img

Faahfaahino hordhac oo kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay

Qaraxaan oo si weyn goordhaw looga maqlay jugtiisa inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay meel u dhaw Isgoyska Sayidka oo ka mid ah meelaha laga ilaaliyo amaanka Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu yahay mid Ismiidaamin oo uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo beegsaday Maqaayad lagu magacaabo Baar Bulsho oo u dhaw Isgoyska Sayidka.

Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxaan daqiiqado kooban ka hor ka dhacay Isgooyska Sayidka ee mgaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya iney goobta gaareen gaadiidka gurmadka deg dega ah oo isku dayaya iney goobta ka qaadan dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 12 07 2024

Jimco 12 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse Farsamadii :: Abdiqani Osoble HOOS...

{DAAWO MUUQAALKA} Ukuntii Ugu Qaalisaneyd Abid Oo Lagu kala iibsaday Lacag aad layaabi doonto !

Jimco 12julay 2024 {HMC}  Ukuntii Ugu Qaalisaneyd Abid Oo Lagu kala iibsaday Lacag aad layaabi doonto !3 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA.

WARARKA