Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mowqifka Dowlada Soomaaliya ee Xamaas

Jimco, November-3- 2023-{HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Markiisii ugu Horeysay ka hadlay dagaalka ka socda Marinka Gaza ayaa taageero u muujiyay ururka Xamaaz.
Xamza, Wasiirka Koowaad ee Dallka ayaa waxa uu sheegay in dhaq-dhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas aanu ahayn urur argagixiso ah, sida ay reer galbeedka ay sheegaan.
Ra’iisul Wasaare Xamze Waxa uu ku tilmaamay Xamaas urur xornima-doon ah, isagoona ku baaqay in la sameeyo xal laba dawladood oo siman, si loo joojiyo colaadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, taasi oo ku sheegay mid lagama maarman ah.
“Waxaa nasiib darro ah in la arko caalamka oo ka aamusan waxa ka socda magaalada Gaza oo 15-kii daqiiqoba hal cunug oo Falastiini ah ayaa ku dhinto, taas oo ka dhalatay duqeynta ay ciidamada Israa’iil u geysteen dad rayid ah oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka reer Falastiin” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

 

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladihii u doodi jiray xuquqda insaanka ayaa ka aamusan oo ku taageersan in carruur, haween iyo dad aan waxba galabsan in ay ku baa’biso Israa’iil hub nuucay rabto.”
Waxa uu adduunka ku dhaliilay sida ay u fiirsanaya xasuuqa ay wado Israa’iil, kaasi oo ay ku dhinteen kumanaan ruux oo u badan caruur iyo haween oo aan Waxba Galabsan.
“Iyadoo uu aduunku daawaanayo, waxaa ay gaartay Israa’iil in ay bartilmaameedsato gaadiidkii caafimaadka, dhakhaatirtii, iyo weliba isbitaalkii,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Si kastaba, Rabshadahan ugu dambeeyay ee ka soo dhex cusboonaaday Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10,300 oo qof (8,796 Falastiiniyiin ah iyo 1,538 Israa’iliyiin ah).

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA