Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qowmiyado hubaysan oo Milateriga Myanmar Ka Fara Maroojiyay magalo ku taal xadka Shiinaha

Jimco, November-3- 2023-{HMC} Milateriga Myanmar ayaa sheegay in ay lumiyeen gacan ku haynta magaalo ku taal waqooyiga dalkaasi oo ku taal xadka Shiinaha, kadib dagaalo maalmo qaatay oo ay kula jireen saddex qawmiyadood oo hubaysan oo dabada ka riixayay in ay helaan madax banaani.

 

Milatariga Myanmar ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisa iyo hay’adaha ammaanka aysan hadda joogin Chinshwehaw, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga gobolka Yunnan ee Shiinaha.

 

Xukuumada Beijing ayaa ku baaqday xabbad joojin. Waxa ay qorshaynaysay in ay dhisto isku xidhka tareen oo balaayiin dollar ku kacaya taas oo qayb ka ah hindisaheeda kaabayaasha Wadooyinka.

 

QM ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in kumannaan qof ay ku barakaceen dagaallo la rumeysan yahay inay burburiyeen xarumaha korontada, taawarrada isgaarsiinta iyo buundooyinka Myanmar iyo Shiinaha.

{DAAWO MUUQAALKA} Maareeyaha Guud ee hay’adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada,

Sabti 27 July 2024 {HMC} Maareeyaha Guud ee hay'adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada, HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA