Friday, June 21, 2024
spot_imgspot_img

Waa Kuma Ninka ay Soomaalidu raacsan yihiin ee ku dhashay Marinka Qaza?

Jimco, November-3- 2023-{HMC}  Dagaalka ka socada Marinka Qaza iyo dhibaatooyinka ay wajahayaan shacabka reer Falasatiin ayaa dib noo xasuusinaya tariikho hore iyo shaqsiyaad dunida muslimka muhiim u ahaa oo ku dhashaya marinka Qaza , waxaan ka mid ah Imaamka weyn ee mad’hab ahaan ay Soomalida raacsan yihiin ee Imaamu Shaafici.

Hadaba waa kuma Imaam shaafici ?

Magaciisu waa Abuu Cabdullahi Maxamed bin Idiris al-Shaaficiya, waa Caalim Islaami ah waxaa uu dhashay sanakii 150 kii taariikhda Hijriyada oo ku beegan 767 milaadiga, sida ay wariyaan taariikhyahanadu.

Inkasta oo khilaaf ka dhashay halkii uu ku dhashay, culimada badan ayaa aamisnsan in imaamku ku dhashay gobolka Gaza ee dhulka Falastiin, kadibna waxaa loo qaaday Casqalaan oo isla Falastiin ah, halkaasi oo kolkuu laba jirsaday looga sii gudbiyey Magaalada Makka oo uu ku barbaaray.

Imaamu Shaafici waxaa uu ka dhashaya qoys faqiir ah oo reer Falastiin ah, aabihiis wuxuu dhintay isagoo yar, markaas ayay hooyadii ula guurtay Makka si uu u dhex dego eheladiisa, dhaqankoodana u barto, ugu dhex noolaado.

Waxa uu xifdiyay quraanka kariimka ah isaga oo todoba jir ah, kadibna waxaa uu bilaabay in uu barto qeybaha kala duwan ee cilmiga, waxaana uu waxa ka bartay culimada waaweyn ee muslimka ee xiligaasi ku sugnaa magalooyinka Makka iyo Madiino ilaa loo fasaxay in uu fatwoodo isaga oo 20 sano jir ah.

Shaqadii garsoore ee Yamen uu ka bilaabay

Waxbarashadiisi Makka iyo Madiino kadib waxaa uu u safray dalka Yaman, markuu Yaman tegeyna horey loogama dhiibin jago weyn, balse waxaa uu shaqaale ka noqday Maxkamadda halkaasi ka jirtay, waxaana uu kasbaday kalsoonidii dadka reer Yamen, isaga oo ku soo caan baxay amaano, aqoon iyo shaqo jacayl.

Intaa kadibna waxaa Garsoore looga dhigay Magallada Najraan, waxana sida tariikhada lagu sheego halkaasi degganaa qolada la yiraahdo banuu Xaaris oo caan ku ahaa in garsoorihii loo diro ay laaluushaan. Hasayeeshee taa kama yeelin Imaamu Shaafici, waxaana ugu dambeyn loo dhiibay Maxkamaddii ugu sareeysay dalka Yaman.

Shaqadiisa Yamen kaddibna wuxuu safaro kala duwan oo waxbarasho ku tagay magaalada Baqdaad, iyo dalka Masar halkaas oo Culimada waaweyn ee islaamka uu aqoon diin ah kaga soo korarsaday .

In ka badan 20 sano ayuu ku noola baadiyaha si uu xeeldheere ugu noqdo luuqada Carabiga. Waxa uu qoray kitaabo badan oo ku sabsan cilmiga fiqiga, isaga oo noqday qofkii ugu horeeyay ee alifa cilmiga Usuulu fiqiga (Asalka Fiqhiga). Sidoo kale wuxuu door ku lahaa cilmiga Axadiista .

Imaam Shaafici wuxuu dhintay sanadkii 204 hijiriyada isga oo 54 jir ah. Waxaa la sheegay inuu dunida uu ugu tagay cilmi iyo dhaxal weyn.

Xariirka Soomalida, Imaam Shaafic iyo Marinka Qaza

Inta badan dadka soomaaliyeed waxaa ay aaminsanyihiin mad’habka Shaafiga, waxaana taas loo sababeyay in culimadii dalka Yamen oo ayguna Mabd’a ahaan haysta shaafiyada ay Soomaliya yimaadeen, kadibna ay sidaasi ugu faafiyeen dalka.

Sida uu maqaal uu qoray 2017 kii ku sheegay Dr Maxamed Xuseen Macalin oo Shahadaada PhD ka haysta taariikhada Islaamka – culimada soomaliyeed ayaa door weyn ka qaatay faafitaanka madhabka Shaafiga ee bariga Afrika.

Ugu dambeyna markii uu biloowday dagaalka Xamas iyo Israa’iil waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo ‘dhibaatada Israa’iil ay ku hayso dadka reer Falastiin’.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn {21/06/2024}

Jimco 21 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdirahman Macalin Muse Farsamadii ::Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Ciyaar dhaqameedkan Wali ma Ciyaartay,?

Jimco 21 June 2024 {HMC}  Ciyaar dhaqameedkan Wali ma Ciyaartay,? HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA