Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DG Galmudug oo la wareegtay Macawiisley ka qaybgalaysa Dagaalka ka dhanka ah ‘AS’

Sabti, November -4- 2023-{HMC}  Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa la wareegtay xubno katirsan Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiilseyda si ay uga qayb-qaataan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee xooggiisa ka socda deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedkaas.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowlad-Goboleedka Galmudug Cumar Maxamed Diiriye (Cumar Guureeye) ayaa ku dhiirrageliyay Dadka deegaanka Xinlabi in ay qayb wayn ka qaataan dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Cumar Guureeye ayaa bogaadiyay go’aankaan oo uu ku tilmaamay mid lagu xoojinayo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Deegaannada Dowlad-Goboleedka Galmudug ka socda isaga oo ugu baaqay Dadkaas Macawiisleyda ah in ay wax kusoo kordhiyaan dagaallada.

Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si ay u qabsato deegaannada weli gacanta Dowlad-Goboleedkaas ka maqan waxaana dhinac socda abaabul ciidan.

Qaar kamid ah Waxgaradka Magaalada Xinbali ayaa dhankooda sheegay in ay garab taagan yihiin howlgallada ka socda deegaanno hoostaga Magaaladaas iyaga oo intaas ku daray in ay xoojinayaan la shaqeynta ciidanka Federaalka iyo kuwa Daraawiishta DG Galmudug.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA