Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxamuud Sayid Aadan oo ka Hadlay dhibaatooyinka ka jira Gobolka Gedo

Sabti, November -4- 2023-{HMC} Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhibaatooyinka ka jira Gobolka Gedo kusoo koobay labo qodob oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in si wadajir ah wax looga qabto.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa shaaciyay in caqabadda ugu weyn ee u baahan in xal loo raadiyo ay tahay dhibaatada ka jirta dhinaca nabadgalyada maadaama dalka uu galay xaalad dagaal iyo howlgallo ka dhan ah ‘AS’.

Dhowr jeer ayuu sheegay in ay ciidamadu fuliyeen howlgallo looga soo horjeedo ‘AS’ waxaana uu xusay in ay dhaceen weerarro lagu qaaday qaybo kala duwan oo katirsan Gobolka Gedo balse dedaalkooda uu yahay adkeynta nabadgalyada.

Qodobka 2aad ee Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan Xusay waa arrimaha la xiriira daadadka Roobka Dayrta oo saameyn taban ku reebay Dadka ku nool Degmooyin katirsan Gobolka Gedo.

“Marka laga reebo xagga ammaanka oo nimanka Khawaariijta oo dhibaato ku hayaan & hadda oo roobab ka da’ay oo fatahaad muujiyeen oo Dad ay ku dhinteen Dadna ay ku hanti beeleen oo dabcan ummadda aan ugu baaqeyno in ay iska kaashato, labadaas dhibaato ayaa ka taagan Gobolka Gedo” Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa dhanka kale sheegay in arrimaha dib u heshiisiinta xoogga ay saareen maadaama muddo dheer gacanta Dowlad-Goboleedkaas uu ka maqnaa Gobolka Gedo.

Dib u heshiisiinta ayuu sheegay in ay xoogga saarayaan si bulshada looga turxaan-bixiyo tabashooyinka siyaasadeed ay kala qabto loona daadego dhismaha Golaha Deegaanka si loo saldhigo arrimaha Doorashooyinka waa sida uu hadalka u dhigay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA