Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxay ka wada-hadleen Blinken iyo wasiirada dalalka Carabta?

Sabti, November -4- 2023-{HMC} Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku sugan magaalada Cammaan ee dalka Urdun, ka dib kulamo uu Israel kula yeeshay madaxda dalkaasi oo ay kaga wada hadleen dagaalka ka socda Gaza.

Magaalada Cammaan waxa uu Blinken kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Urdun, oo ay wehliyaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta ee Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Qatar, iyo sidoo kale xoghayaha guud ee guddiga fulinta ee Ururka Xoreynta Falastiin.

Waxa ay ka shirayeen si ay u dejiyaan qorshayaal lagu soo afjarayo dhibaatada bini’aadantinimo ee Gaza iyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Blinken ayaa sidoo kale Sabtidii la kulmay ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan, Najiib Miiqaati.

Ka hor booqashada Blinken, wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun Ayman Safadi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Israel ay qasab ku tahay in ay soo afjarto dagaalka ay ku waddo Gaza, halkaasi oo uu sheegay in ay ka geysanayso dambiyo dagaal oo ay duqaynayso dadka rayidka ah ayna go’doominayso.

Jimcihii, Blinken ayaa sheegay in ka hortagga dagaalka oo ka sii dara siina fida ay tahay mudnaanta koowaad ee safarkiisa ka dib markii uu Tel Aviv kula kulmay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Golaha Wasiirrada Israel ee xilliga dagaalka.

Kulanka ka dib, Blinken waxa uu saxafiyiinta u sheegay tillaabooyin uu sheegay in ay tahay in la qaado si loo hubiyo in weerar la mid ah kii Xamaas ay qaadday 7-dii Oktoobar uusan mar dambe dhicin iyo in la xaqiijiyo “berri u wanaagsan” dadka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

“Waanu caddeynay in Israel oo ololeheeda ku doonaysa in ay ku burburiso Xamaas, haddana sida ay arrintaas u samaynayso ay muhiim tahay. Waa muhiim maxaayeelay waxaa jira waxyaabo xaq iyo sharci ah oo ay tahay in la sameeyo. Waa muhiim sababtoo ah in taas la qaban waayo waxa ay u wanaagsan tahay Xamaas iyo kooxaha kale ee argagixisada,” ayuu yiri.

Blinken ayaa sheegay in Maraykanku uu si buuxda u taageeray xaqqa “iyo waajibka” Israel ka saaran in ay is difaacdo, laakiin waxa uu sidoo kale ugu baaqay Israel in ay hakiso hawlgallada milatari oo ay u oggolaato gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah in la geeyo Gaza. Ilaalinta dadka rayidka ee Falastiin waa muhiimada labaad ee safarkiisa, ayuu yiri.

Isagoo taasi ka jawaabaya ayuu Netanyahu yiri, “Waan ku sii wadeynaa dhammaan ciidamadeena, Israel-na waxa ay diidaysaa xabbad joojin ku meel gaar ah oo aysan ku jirin sii deynta la haystayaashayada.”

Ururka Xamaas oo uu Maraykanku u aqoonsaday urur argagixiso ah ayaa afduubteen 230 qof, iyadoo 1,400 oo qof ay ku dileen weerarkii ay ku qaadeen Israel.

Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa hoy la’aan ku noqday duqeymaha diyaaradaha Israel ee Gaza. Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay Jimcihii in tirada dadka ku dhintay deegaankaasi ay kor u dhaaftay 9,250, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA