Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

MW Muuse Biixi oo ka hadlay xasuuqa Israel ee shacabka Falastiin weerar afka ahna ku qaaday waddamada Carbeed

Sabti, November -4- 2023-{HMC} Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ayaa maanta si kulul uga hadlay xasuuqa ay Israel ku hayso shacabka reer Falasteen, gaar ahaan duqeymaha ay ku hayso Gaza.

Muuse Biixi ayaa ayaa shaaca ka qaaday in laga aamusi karin xaaladda Falastiin, wuxuuna sheegay in burbur iyo baaba’ uu ka socda magaalada Gaza.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dad ku dhow 9,500 ay dileen ciidamada Israel, kuwaas oo 70% ay yihiin carruur aan waxba galabsan, isaga oo arrintaas su’aallo ka keenay.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay waddada reer galbeedka inay indhaha ka daawanayaan Falastiin, qaarkoodna ay Israel ku garab istaageen dagaalka, sida Mareykanka iyo Uk.

“Madaxweynihii Maraykanka ayaa yimid oo is garab taagay, Raysal Wasaarihii Ingiriiska ayaa yimid oo yidhi halkaa kaga wad, meeday cadaaladii, meeday wixii ay inoo sharaxayeen, saaka tiradu waxay maraysa 9,500 oo dhimasho ah, 70% ayaa caruur iyo dumar ah dadkaa dhintay” ayuu yiri khudbaddiisa ku yiri Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale waxa uu cambaareeyay bartilmaameedka ay Israel ku hayso goobaha caafimaadka ee Gazam oo iyagana lagu laayay dad badan oo shacab ah.

Dhanka kale, wuxuu weerar afka ah ku qaaday waddamada Carbeed oo uu sheegay inay xittaa ka hadli kari waayaan qaddiyada Falastiim halkii ay garab staagi lahaayeen.

“Waxa nasiib daro ah in inta waddamada awooda lahaa ee Carbeed ay ka hadli kari waayeen ay Koonfur Afrika oo aan Muslin ahayni, uu madaxweynahooda iyo baarlamaankooduba uu ka hadlay arrintaa oo uu diiday” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Horay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa isaguna si aan gambasho lahayn uga hadlay xasuuqa ay Israel ku hayso shacabka Falastiin, ayadoo hadalka ra’iisul wasaaraha ay qaateen warbaahinta Carbeed iyo midda Xamaas oo sii baahisay taageerada iyo garab istaagga uu uu muujiyay ra’iisu wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA