Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qorshaha cajiibka ah iyo shirqoolka Xamas ay Israel ugu diyaarisay dagaalka Gaza

Sabti, November -4- 2023-{HMC} Xamas ayaa isku diyaarisay dagaal dheer oo aan dhammaad laheyn oo ka dhaca Marinka Gaza, waxayna rumeysan tahay inay muddo fog iska caabin karto ciidamada duulaanka ah ee Yahuudda, si ay Israel ugu qasabto xabad-joojin, waxaa sidaas sheegay laba il-wareed oo ka tirsan hoggaanka kooxda.

Xamas, oo maamusha Gaza, ayaa keydsatay hub, gantaallo, cunto iyo sahay caafimaad oo hayn kara muddo fog, sida ay sheegeen il-wareedyo la hadlay Reuters oo codsaday inaan la magacaabin.

Kooxda ayaa ku kalsoon in dagaal-yahannadeeda kumannaanka ah ay bilooyin ku badbaadi karaan magaalada iyo godadka ay ka qoteen, si ay u ciidamada Yahuudda ula galaan dagaal wata xeelad jabhadeyn ah, sida ay sheegeen il-wareedyada.

Xamas ayaa rumeysan in ugu dambeyn cadaadiska beesha caalamka ee ka dhanka ah Israel si ay usoo geba-gebeyso duullaankeeda sababo la xiriira khasaaraha shacabka ee sii kordhaya ay ku qasbi doonto inay galaan wada-xajood xabad-joojin.

Xamas ayaa dooneysa inay Israel ay ku qasabto inay sii dayso kumanaan maxaabiis Falastiiniyiin ah, ayada oo dhaafsaneysa 239 Israa’iiliyiin ah oo ay ku qabsatay weerarkii 7-dii October.

Kooxda ayaa u caddeysay Mareykanka iyo Israel, oo ay yeesheen wada-hadallo aan rasmi aheyn oo ay dhex-dhexaadineyso Qatar, inay dooneyso in lasii daayo maxaabiista si ay iyana usii dayso Yahuudda ay afduubatay.

Qorshaha muddada fog, Xamas ayaa sheegtay inay dooneyso inay soo afjarto xannibaadda 17 sano jirsatay ee Israel ay ku hayso Gaza, islamarkaana la hakiyo deegameynta ay Israel isugu fidineyso dhulka Falastiin.

Waxay sidoo kale dooneysa in Israel ay ku qasabto inay ciidamadeeda joojiyaan awood sheegashada ay ka wadaan Masjidka Al-Aqsa.

Khamiistii, khubarada QM ayaa ku baaqay xabbad-joojin ka dhacda Gaza, ayaga oo sheegay in Falastiiniyiinta ay “halis xooggan ugu jiraan xasuuq.”

Israel ayaa tan iyo weerarkii 7-dii October, oo lagu dilay 1,400 oo Israa’iiliyiin, waxay Gaza u adeegsatay duqeymo aan kala joogsi laheyn oo ay ku dhinteen 9,000 oo shacab ah, hase yeeshee weli wax la taaban karo kama soo hoyin duullaanka Gaza.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA