Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Taliyeyaasha Ciidamada Uganda ee Soomaaliya oo lagu qaadayo Maxkamadaynta weerarkii Buulo Mareer

Sabti, November -4- 2023-{HMC} Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Uganda ayaa u safartay Soomaaliya, si ay u maxkamadeyso laba taliye oo ka tirsan ciidamada Uganda, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay askar ku amreen in ay baxsadaan intii uu socday weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer.

 

Maxkamadda ciidamada qalabka sida Uganda oo uu gudoomiye u yahay Brig Freeman Mugabe, ayaa todobaadkan u socdaashay Soomaaliya halkaas oo ay fariisin ka sameysteen xarunta dhexe ee ciidamada Uganda, si ay u qaadaan dacwado ay ku lug leeyihiin askarta UPDF.

 

Sida laga soo xigtay ciidamada Uganda, liiska ugu sarreeya waa kiis ay ku lug leeyihiin laba sarkaal oo sare, kuwaas oo lagu eedeeyay ficil fulaynimo ah oo ka soo horjeeda qodobka 120 ee sharciga ciidanka difaaca Uganda.

 

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Maj Steven Oluka oo 47 sano jir ah iyo Maj Zadock Obor oo 25 jir ah, aysan ku dhiirigelin saraakiisha iyo ciidamada Uganda ee ka amarqaata, inay si geesinimo leh ula dagaallamaan Al Shabaab.

 

Alshabaab ayaa bishii may ee sanadkan weerartay saldhigga ciidamada Uganda ee kuyaala Buulo Mareer, halkaas oo ku dishay 50 askari oo katirsan ciidamada Uganda ee saldhigaas ka howlgalaylay.

 

Mar la weydiiyay sababta ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ugu soo guurtay Muqdisho, Gen Mugaabe wuxuu sheegay in ay go’aansadeen, si ay u helaan marqaatiyada kiisaska maadaama intooda badan ay ku sugnaayeen aagga howlgalka.

Maxkamadda ayaa Soomaaliya ku sugnaan doonta muddo labo todobaad ah oo dacwadaha lagu dhageysanayo, waxaana dhammaadka kalfadhiyada ciddii lagu helo dambiga lagu ridi doonaa xukunno ku habboon.

Si kastaba ha ahaatee, xukunadu waxay ku xirnaan doonaan xaaladaha dambiyada lagu galay iyo cadaymaha maxkamada la keeno.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA