Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xisbullah ma waxay dagaal la galeysaa Israa’iil, muxuuse yiri hugaamiyaheedii la wada sugayay?

Sabti, November -4- 2023-{HMC} Xasan Nasrullah oo ah hogaamiyaha ururka Islaamiga ah ee Xisbullah ayaa khudbadiisii ugu horeysay ee uu kaga hadlayo dagaalka u dhaxeeya Xooggagga Falastiinyiinta iyo Israa’iil waxaa uu bogaadiyay weeraradii Xamaas ay ku qaaday Israa’iil.

Khudbadiisii ugu horeysay ee uu meel fagaare ah ka jeediyo tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ayada oo daawanayaan Kumaan qof oo ree Lubnaan ah, waxa uu ku sheegay in wadda kasta ay furnatahay , sida kaliya ee looga hortagi karo dagaal gobollka ka dhacana ay tahay in la joojiyo colaadda Gaza.

Hadalka Sheekh Xasan Nasrullah ma ahyen taageerayaashiisa oo keliya kuwa sugayay, balse waxaa si aad ah isha ugu hayay Israa’iil iyo Mareynkanka iyga oo sugayay wax uu ka dhaho xaaladda Gobalka .

Waxaa uu sheegay in kuwa ku dooday in Xisbullah ay ka gaabisay in gacan siiso xooggaga Falastiinyiinta ay arka waxa ka socada xaduuda Lubnan iyo Irsaa;iil .

“Kuwa ku andacoonaya in Xisbullah ay si degdeg ah u galaan dagaalka cadawga, waxa laga yaabaa inay u arkaan waxa ka socda xuduudda mid aad u yar, laakin haddii si dhab ah loo eego, waxaa la ogaan doonnaa inay tahay mid baaxad leh,” ayuu ku yiri khubadbadiisa Xassan Nasrullah Hogaamiyaha Kooxada Xisbullaha ee dalka Lubnaan .

Waxa uu sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay isku dhacyada u dhaxeeya Israa’iil iyo Xisbullaha lagu dilay 57 dagaalyahan oo ka tirsan Xisbullah.

Nasrallah waxa uu tilmaamay in weeraradii 7-dii October ee Xamaas ay ahaayeen “100% hawlgal qarsoodi ah oo ay si gaar ah u fuliyeen “xooggagga falastiiniyiin” oo xataa laga qariyay xulafada Xamaas.

Waxaa uu tilmaamay in weerarkii Xamaas uu banaanka soo dhigtay daciifnimada difaaca Israa’iil iyo sirdoonkii awoodda badanaa ee muddo 50 sano ah Israa’iil ay ku faani jirtay

Iran iyo saaxiibada kale ee Xamas ayuu sheegay in aysan xataa ogayn qorshaha weerarka lagu qaday Israa’iil.

Sannadihii u dambeeyey ayuu Nasrullah sheegay in shacabka ku nool Marinka Qaza iyo Daanta Galbeed, ay wajahayen dhibaatoyin badan iyo cadaadis xoogan taas oo sababtay dagaalka ‘Duufaanta Al aqsa’.

Nasrallah waxa uu carabka ku adkeeyay in kooxaha iska caabintu meel kasta oo ay joogan ay xaq u leeyihiin difaaca sharaftooda iyo dadkooda, waxa uu sheegay in dagaalka hada ka socada Qaza uu saamayn ku yeelan doono mustaqbalka gobalka, taariikh cusubna u sameeyna doono Israa’iil.

Waxaa uu sidoo kale bogaadiyay weerar Kooxaha xariirka laleh ay ku qaadeen saldhigyada ciidamadda Mareykanka ay ku leeyihiin Ciraaq iyo Suuriya .

Mareyknaka ayuu ku eedayay in uu qeybka yahay gumaadka shacabka reer Falastiin oo Israa’iil uu siinayo dhaqaale far badan.

Koonfurta Magaladda Bayruut ayaa waxaa isgu soo baxay kuman qof oo ku qaylinayay eryo ay ka mid yihiin , “Waan kula jirnaa Nasrallah”

Xisbullah ayaa kumannaan gantaallo ah ku riday Isaa’iil tan iyo markii uu bilooway weerarka Xamaas ay ku qaaday Israa’iil .

Xisbullaha ma laga yaabaa in ay dagaal la gasho Israa’iil?
Tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar, Xisbullah waxa ay weerartay fariisimo ciidamadda Israa’iil ay ku lahyeen waqooyiga Israa’iil.

gantaalo ayay ku garaacen fariisimaha ciidanka Israa’iil,ayga oo sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraray bartilmaameedyo milatari.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa dhankooda fuliyay duqeymo xagga cirka ah, waxaa kale oo madaafiic ay ku garaaceen fariisimaha Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Askar ka tirsan Ciidanka Israa’iil iyo xubno ka mid ah Xisbullah ayaa lagu dilay madaafiicada iyo duqeeynaha labada dhinac, waxaana Israa’iil ay kumanaan shacab ah ka daadgureysay xadka ay waaagaan.

Afhayeenka ciidamada Daniel Hagari ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku jiraan “feejignaan aad u sareysa” oo ku taal xadka waqooyiga ee Israa’iil.

ISHA BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA