Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Beesha Degta magaalada Dhuusamareeb oo qirasho yaab leh ka soo saartay dilka ragii Ganacsatada Ahaa

Axad, November-5- 2023-{HMC}  Odayaasha dhaqanka ee beesha Yabardhowrakace ee Cayr oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa war ka soo saaray dilkii magaalada dhexdeeda loogu geystay labo ganacsade oo ka soo jeeda beesha Saleebaan.

Ugu horeyn beesha Yabardhowrakace ayaa qiratay dilka labadii nin ee lagu dilay gudaha magaalada Dhuusamareeb, waxayna ka bixiyeen raali gelin in fal noocaas ah uu ka dhacay gudaha magaalada oo caasimad u ah umadda reer Galmudug.

Sidoo kale waxay odayaasha beeshaas balan qaadeen inay soo qaba doonaan raggii dilay labada marxuum.

Bayaanka ka soo baxay odayaasha Yabardhowrakace ayaa raali gelin looga bixiyey in qirashada dilkaas, iyagoo sheegay inay xaqiijin wadeen.

Sidoo kale odayaasha beesha Yabardhowrakace ee Cayr – Habargidir ayaa balan qaaday in fal noocaas ah uusan ku soo laaba doonin caasimadda Galmudug.

Sidoo kale odayaasha oo ka tacsiyeeyey wixii dhacay ayaa sheegay in ganacsatada la dilay ay ku sifeeyeen “Kaa dhimay oo kugu dhimay.”

Habeeno ka hor ayaa goor fiid hore ah bartamaha magaalada Dhuusamareeb lagu dilay labo ganacsade oo ka soo jeeda beesha Saleebaan, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil, labada marxuum ayaa aad looga yaqaanay Dhuusamareeb.

Dilka labada ganacsade ayaa salka ku haaya aano qabiil oo u dhaxeysa Saleebaan iyo Ceyr oo ka wadadhashay Habargidir, waxayna si joogto ah isugu dilaan deegaanka Xananbuure oo waqooyi ka xiga Dhuusamareeb.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA