Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Carabta oo dalbanaysa in xabad joojin laga sameeyo Qasa, iyo Maraykanka oo sheegaya in taasi ay caawinayso Xamaas.

Axad, November-5- 2023-{HMC}  Xoghayaha Arimaha Dibbadda Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta oo Axada tagaya wadanka Turkiga isagoo riixaya dadaallo diblomaasiyadeed oo ku saabsan dagaalka Qasa.

Hoggaamiyayaasha gobolka ayuu kala shaqaynayaa waxa loogu yeeray dagaal joojin bini’aadanimo, innagoo maqalnay warka madaxweyne Biden oo Sabtidii laga soo xigtay in arintaa horumar laga sameeyay.

Wadamada Carabta ayaa dalbanaya xabad joojin degdeg ah, laakiin Maraykanka ayaa ka walaacsan in taasi Xamaas u ogolaanayso in ay dib isu urursato.

Dhinaca kale ciidamada Israa’iil ayaa gudaha u sii galaya Marinka Qasa.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in 1.5 milyan oo qof ay ku barakaceen Qasa, iyadoo 700,000 oo qof ay gabaad ka dhigteen xarumaha Qaramada Midoobay, waxayna ka digtay in ay buux dhaafi doonaan, waxana jira khatar caafimaad oo laga baqdin qabo in ay ka dhalato.

Sidoo kale waxay dhibaato ka taagan tahay marinka Rafax oo ah kan kaliya ee u furan Qasa ee ku xira Masar, waxayna warrarku sheegayaan in Xamaas aanay u ogoleyn dadka wata baasaboorrada ajnabiga ah in ay halkaas ka gudbaan, illaa dadka dhaawaca la gudbiyo.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA