Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DF oo si rasmi ah u shaacisay inay u tartameyso kursi yaalla Golaha Ammaanka

Axad, November-5- 2023-{HMC}  Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay inay u tartameyso kursi aan joogto ahayn oo ay ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kursiga ay dowladda shaacisay inay u tartameyso ayaa haddii ay Soomaaliya ku guulaysato waxay joogi doonta illaa sanadka 2026-ka.

Bayaan kooban oo kasoo baxay howl-galka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo arrinkaan lagu shaaciyay ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya lagu aamini karo inay hormuud ka noqoto ajendaha iyo amniga Afrika.

“Soomaaliya waa lagu aamini kara in ay hormuud ka noqoto ajendaha nabadda iyo amniga Afrika ee UNSC iyo sidoo kale u hoggaansanaanta mabaadi’da iyo axdiga Qaramada Midoobay si loo dhiso nidaam caalami ah oo nabad ah, xasilloon oo barwaaqo ah.”

Doorashada kursigaan oo qeyb ka ah shan kursi oo aan joogto ahayn, ayaa sida qorshuhu yahay waxaa la qaban doona bartamaha sanadka 2024, inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kursigaan ay Soomaaliya u tartamayso ayaa ah kursi Afrika u gaar ah, si gaar ahna waxaa u yeelan doona waddan ku yaal Bariga Afrika.

Waddanka ku guulaysta ayaa waxa uu kamid noqon doona 10 waddan ee ku fadhiya kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka QM, muddo labo sano ah.

Damaca Soomaaliya ee kursigaan ayaa markii ugu horeysay banaanka yimid kadib markii ay Soomaaliya sheegtay inay ka tanaasushay madaxweynaha baarlamaanka adduunka, oo ay ku guuleysatay guddoomiyaha baarlamaanka Tanzania.

Soomaaliya ayaa dhiggeeda Tanzania heshiis kula gashay in kursiga yaala Golaha Ammaanka ay kala shaqeyso sidii ay Soomaaliya ku guulaysato.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka codsaday madaxweynaha Tanzania inay ku taageeraan Soomaaliya helista kursigaas.

Fursada ugu weyn ee kursigaan ayaa ah mid siyaasadeed, iyadoo danaha muhiimka ah ee Soomaaliya ka yaala Qaramada Midoobay ay kamid yihiin in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaaliya.

Hadda waxaa kurigaas ku fadhisa Kenya, intii ay socotay doorashadaas Soomaaliya ayaa taageertay Jabuuti oo u tartameysay kursigaas, dowladda Soomaaliya ayaa hadda wada olalaheeda raadinta kursigaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA