Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dibadbaxyada lagu garab istaagayo Falastiin oo ku faafay Dalal badan.

Axad, November-5- 2023-{HMC} Waxaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa dibadbaxyada lagu garab istaagayo Falastiin ee looga soo horjeedo xasuuqa Israaiil ay ka geysaneyso Magaalada Gaza kaddib markii ay dhimasho iyo dhaawac ay u geysatay Dad badan oo rayid ah.

Israaiil oo garab ka heleysa Dalalka reer Galbeed ah ee xulufada la ah ayaa duqeyn arxan-darro ah ku beegsatay Isbitaallo, Xeryo Barakac, Goobo Waxbarasho iyo meelo kale oo ay degen yihiin Shacabka Dulman ee Falastiin.

Tallaabadaas ay ku dhinteen boqolaalka ruux ee Rayidka ah oo si toos ah loosoo dhigay Baraha Bulshada waxa ay si dhab ah oo degdeg ah u rogtay quluubta dad badan oo aanay markii hore ku baraarugsaneen hagardaamada Israaiil ay wado.

Mareykanka, Ingiriiska iyo waddamo badan oo dhaca Qaaradaha Yurub, Ameerika & Aasiya waxaa ka dhacay isusoobaxyo waa weyn oo garab istaag loogu muujiyay Shacabka Falastiin ee Duqeynta ku socota tan iyo 7dii Oktoobar 2023.

Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa ka mideysan ereyga ah “Free Palestine” oo ay ula jeedaan in ay Falastiin xor noqoto, magaalooyin ay kamid yihiin London & Washington waxa ay ciidamo xakameyn waayeen Dadka dibadbaxaya si ay u joojiyaan isusoobaxooda.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA