Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qoyska AUN Sheekh Xasan Diirshe oo war cusub kasoo saaray dilka Aabahood

Axad, November-5- 2023-{HMC}  Qoyska Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Diirshe Cadde oo dhawaan aano qabiil loogu dilay Dhuusamareeb isaga iyo marxuum Saciid Tahliil Maxamed ayaa war cusub kasoo saaray dilkaas oo caro ka dhaliyay deegaanada Galmudug.

Wiil uu dhalay marxuumka oo lagu magacaabo, Sheekh Yaxye Sheekh Xasan Diirshe ayaa shaaca ka qaaday in aysan aarsan doonin, isla-markaana aan lagu soo tarbiyeen daadinta dhiig qof muslim ah, wuxuuna Umaadda Soomaaliyeed ka codsaday inay u duceeyaan aabahood, maadaama gacan xaq darran ay dishay.

“Waxaan dadka u xaqiijinayaa inaan annaga horta fikir noocaas ah marna qalbigeena kusoo dhicin inuu kusoo dhacana ilaahey ayaan ka magan geleynaa, waayo tarbiyada noocaas ah yacni in dad la dilo, la dhaco, la waxyeeleeyo aabaheyna ma sameynin, naguma soo tarbiyeen” ayuu waresyigaan kum yiri Sheekh Yaxye Sheekh Xasan Diirshe Cadde.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in go’aankan uu yahay mid ay qoys ahaan u gaareen, isla-markaana aysan dooneyn in dhibaatada ay sii socoto, si dhiig kale loo daadiyo.

“Aarsi ma jiro, dhiig muslin uma socono arinkaasi waa arrin aan wada qaadanay” ayuu mar kale yiri Sheekh Yaxye.

Waxaa kale oo uu uu intaasi kusii daray in go’aankan ay la qaateen odayaasha dhaqanka iyo waalidiinta, ayna ku bogaadiyeen arrinta ay soo jeediyeen, si loo dajiyo xaaladda.

“Fikirkan aan baahinay waa go’aan ay nala qabaan odayaasha, yacni arrinkaasu waa arrin markii horaba odayaashu afkooda ka maqleynay oo ay nagu dhiiragelinayeen” ayuu yiri.

Allaha u naxariistee dilka Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo lagudba kasoo jeeda magaalada Cadaado ayaa daba socday dagaal beeleed ka qarxay deegaanka Xananbuure ee duleedka magaalada Dhuusamareeb, kaas oo ay hadda xalintiisa ku baxday Galmudug.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA