Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Argagax xooggan oo ka dhashay Xamaas oo Gantaalo culus ku garaacday Isreal

Isniin, November-6- 2023-{HMC} Kooxda Xamaas ayaa tiro badan oo gantaalo ah ku garaacday magaalooyin kuyaalla Isreal, waxa ayna gantaalada argagax badan ku abureen Israa’iiliyiin badan oo kunool magaalooyinka laga maqlay dhawaqa gantaaladan.

War kasoo baxay milatariga Isreal ayey ku sheegeen in si weyn looga maqlay magaalooyin kuyaalla bartamaha Isreal dhawaqa gantaalo culus oo kooxda Xamaas kusoo tuureen dhinaca dhulka Isreal maamusho.

Dad badan oo Israa’iiliyiin ah oo maqlay dhawaqyada gantaalada iyo dhawaqa digniinta bixiya ayaa si weyn u argagaxay, waxa ayna dadka ku kala carareen goobo shub ah, si ay gabaad uga dhigtaan.

“Malaayiin Israa’iiliyiin ah ayaa ka ordaya sidii ay uga gamban lahaayeen bambooyinka,” ayaa lagu yiro qoraal la soo dhigay barta X, oo horey loo oran jiray twitter isla markaana ay leeyihiin milatariga

Shacabka Isreal ayaa wali xasuusta weerarkii kooxda Xamaas ay gudaha Isreal ka geesteen 7-dii bishii hore ee October, weerarkaasi ayaa lagu dilay ku dhawada 1,500 qof oo Israa’iiliyin ah ,halka lagu afduuibtay in ka badan 200-qof oo kale.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA