Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Safiirka cusub uu Maraykanka usoo magacaabay Soomaaliya oo la filayo inuu xilka la wareego

Isniin, November-6- 2023-{HMC}  Richard H. Riley oo madaxweynaha dalka Maraykanka uu u magacaabay danjiraha Soomaaliya, ayaa la filayaa inuu dhawaan xilka si rasmi ah ula wareego.

Danjirahan cusub ayaa noqday safiirkii afaraad ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya tan iyo markii xiriirka diblumaasiyadeed ee labada waddan uu dib u soo laabtay sanadkii 2013.

Richard H. Riley ayaa wuxuu bedelayaa Larry André Jr., oo xilkan soo hayay muddo hal sano ah. Wuxuuna muujiyay kalsoonida uu ku qabo inuu qaban karo mas’uuliyadda safiirnimo ee dalka Soomaaliya.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay wada shaqaynta uu la leeyahay ciidamada Maraykanka, USAID, iyo hay’adaha kale ee la shaqeeya la dagaalanka argagixisada caalamiga ah.

Danjire Stephen Schwartz ayaa noqday safiirkii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo Soomaaliya u soo magacowda June 2016 ka dib dagaaladii sokeeye, waxaana ku xigay Donald Yamamoto October 2018. Larry André Jr. waxa uu ahaa safiir bishii Febraayo 2022 ilaa Luulyo 2023.

Mareykanka ayaa weli ku adkeysanaya in uu taageerayo socdaalka Soomaaliya ee ku wajahan xasilloonida iyo horumarka, gaar ahaan wixii ka dambeeyay sanado badan oo xasillooni darro iyo dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA