Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

25 qof oo Donayay in AS ku biiraan oo u Gacan Galay Ciidmada Nisa

Talado Nofembar 07, 2023 {HMC}  Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa ka warbixisay howlgal culus oo ay maanta ciidamada ammaanka ka sameeyeen duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan lagu soo qabtay illaa 28 qof oo 25 kamid ah ay oo doonayeen inay ku biiraan xubnaha kooxda As, isla-markaana gacanta lagu dhigay xilli ay ku socdaalaayeen meel u dhow magaalada Afgooye.

Hay’adda ayaa sheegtay in dadka la qabtay ay ku jiraan wiilal ay da’dooda yar tahay, loona waday inay ka barbar dagaalamaan kooxda AS.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in isna gacanta lagu dhigay darawalkii gaariga ku waday ragga la qabtay, balse ma shaacin hay’adda halka ay kusii jeedeen.

“28-ka qof ayaa kala ahaa; Darawalkii gaariga, 2 labo caawiye/Kirishbooy iyo 25 isugu jira caruur iyo rag da’ dhexaad ah kuwaas oo qirtay loo waday in la askareeyo kuna biiraan xubnaha As” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay taliska hay’adda NISA.

Dhammaan dadka lasoo qabtay oo hadda ku jira gacanta Nabad-Sugidda, waxaana ku socda baaritaano dheeraad ah oo ay ku hayaan saraakiisha laamaha ammaanka.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gudaha caasimada iyo magaalooyinka u dhow, si loo xaqiijiyo amniga.

Soo qabashada raggan ayaa sidoo kale ku aadeysa, xilli haatan As ay ku socdaan howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Si kastaba, dagaalladan ayaa waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo sidoo kale looga qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA