Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Bulshada Rayidka Puntland oo war culus ka soo saartay rabshadihii maanta ka dhacay Garowe

Talado Nofembar 07, 2023 {HMC}  Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA) ayaa war ka soo saartay rabshadihii maanta ka dhacay magaalada Garowe ayaa sheegtay in laga baaqsan karay wixii dhacay.

“Waxaa foolxumo iyo masuuliyad darro weyn ah in muwaadiniinta reer Puntland u dhintaan si micno darro ah, iyadoo laga baaqsan karo falalka liddiga ku ah amniga iyo badqabka muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay daladda.

Daladda ayaa ka digtay in Garowe uu ka dhaco xadgudub kale, iyadoo dalbatay in waxyaabaha dhacaya ee amniga la helo cid masuuliyadooda qaada.

“Falkii maanta ka dhacay caasimada Puntland ee Garowe wuxuu ahaa mid aan marnaba la aqbali karin, waxayna Dallada Bulshada Rayidka ka digaysaa ku xad gudubka xuquuqda iyo sharafta dadweynaha, iyadoo waajib ay tahay in lala xisaabtamo falalka gurracan cidda masuuliyadeeda leh,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka daladda ayaa intaas ku sii daray “Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo wax kasta oo xaalad amni darro abuuri karta taasoo ay ugu weyntahay isticmaalka awoodda, hadalada xanafta leh iyo si xun u adeegsiga barasha bulshada.”

Ugu dambayn, daladda PUNSAA ayaa ka tacsiyeysay muwaadinadii ku geeriyootay dhacdada maanta, iyadoo Caafimaad degdeg ah u rajaysay intii ku dhaawacantay.

Iska hor imaadkan oo maanta ka dhacay bartamaha caasimada Puntland ee Garowe ayaa waxaa uu ka dhashay israsaasayn dhex-martay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaridka kasoo horjeeda madaxweyne Saciid Deni.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in ciidamada maamulka oo gelbinaya Kabtan Ayuub oo YouTuber ah oo ka yimid dibadda lagu weeraray barxadda magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Sida ay ogaatay Warbahinta, iska hor-imaadkan ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidanka maamulka, ee la sheegay inay galbinayeen ninka YouTuber-ka ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA