Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Waa kuma ninka aan la aqoonin oo ay Israa’iil sida weyn uga Baqeeyso?

Talaado, November-7- 2023-{HMC} Tan iyo markii uu billowday dagaalka Xoogga Falastiinyiinta iyo Israa’iil u dhaxeeya, 31 maalin ka hor, magaca ugu badan ee ay Falastiiniyiinta, dadka Carabta ah iyo bulshooyinka kale ee taageera qadiyadda reer Falsatiin ay ku celceliyaan ayaa ah “Abu Cubeyda,” oo ah afhayeenka milatariga ee guutada Al-Qassam, ee garabka hubaysan ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Ninkan wajigiisa aan la arag ayaa ka mid ah shakhsiyaadka caanka ah ee saameynta xooggan ku leh kooxda dhexdeeda, waxaa uu kasoo muuqday, baraha bulshada kooxda iyo warbaahinta kala duwan, ka dib markii toddobadii Oktoobar, Maxamed Al-Deif, oo ah taliyaha guud Al-Qassam, uu ku dhawaaqay billowga hawlgalka Daadka Al-Aqsa .

 

Waxaa uu soo duubaa muqaallo, isaga oo afka kusoo duubtay cimaamad gaduudan iyo koofi kana hadlay horumarka kooxda ay ka gaartay dagaalka.

 

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa’iil ee Marinka Gaza, Abu Cumeeyda ayay taageerayaasha Falastiiniyiinta ee Xamaas sheegeen in uu si xirfad leh wajahay xaaladda dagaalka .

Maxaan ka naqaan Abu Cubeyda, afhayeenka milatariga ee guutada al- Qasam?

“Abu Cubeyda” waxaa markii ugu horreysay magaciisu uu soo shaac baxay sanadkii 2002-dii, xilligaas uu ka mid ahaa saraakiil ka tirsan xoogagga Falastiinyiinta oo si joogta u qaban jiray shirar jaraa’id, oo looga hadlayo dagaal Israa’iil ay kula jiraan.

Waxaa ay tilmaameen dadka aqoonta u leh in uusan waligii wajigiisa furin taas ayaan la sheegay in uu kaga dayanayo hoggaamiyihii hore ee al-Qassam, Camaad Caaqil oo ay Israa’iil dishay sannadkii 1993-kii.

Ka bixitaankii Israa’iil ee Qaza sannadkii 2005, ayaa Abu Cubeyda waxaa si rasmi ah loogu magacaabay afhayeenka al-Qassam.

 

Sida lagu sheegay xogta yar ee Israa’iil ay ka hayso ninka waxaa uu ku dhashay magaalada Niciyaal oo ka tirsan gobolka Qaza, oo Israa’iil ay qabsatay 1948-kii.

 

Kahor dagaalkii 2014, ayuu Abu Cubeyda waxaa uu shahaadada Masterka ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Qaza, gaar ahan kulliyadda (Asuulu diin ) waxaan buuggiisa qalin jabinta, ee uu qoray ciwaan ugu dhigay dhullka barakeeysan iyo dagaalka u dhaxeeysa Islaamka iyo Yuhuudda.

 

Waxaa Israa’iil ay sheegatay in uu hadda ku nool yahay magaalada Jabiil oo ku taal waqooyi-bari ee Marinka Qaza, dhowr jeer ayaa gurigiisa la duqeeyay, sanadihii 2008, 2012, 2014, iyo waliba dagaalka hadda socda.

 

Waxaa si weyn loo bartay dagaalkii 2014-kii, kadib markii uu ku dhawaaqay afduubka loo geystay askari Israa’iil ah oo lagu magacaabo Shaul Aron kadib isku dhacyo ka dhacay dhulka reer Falastiin .

 

Abu Cubeyda waxa uu horey akoon ugu lahaa Twitter-ka iyo Facebook, halkaas ayuuna ku qori jiray farriimaha dagaalka, basle markii danbe ayaa laga xiray ,waxaan uu hada isticmaalaa aaladda Telegram oo muqaalladiisa uu ku baahiyo.

Maxay Israa’iil ka tirsan ninka aan cidna aqoon?

Inkasta oo ninkani uu is qariyo, jirinna cida argtay, haddana Israa’iil waxay sheegtay inay garanayso xogtiisana ay hayso.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa yiri: “Ninka wejiga soo qarsaday, magaciisu waa Hudeeyfa Kalxuut, waxa uu ku dhuumaalaysanayaa koofiyaddan uu soo gashaday balse Israa’iil waa ay haysaa aqoonsigiisa oo dhammeeystiran, naaneystiisuna waa Abu Cubyeda.

Israa’iil waxaa ay baahisay sawir ay sheegtay in uu yahay kan saxda ah Abu Cubeyda,” afhayeenka milatariga ee guutada Al-Qassam, garabka hubaysan ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Billowgii dagaalka, kadib waxaa inta badan magac Abu Cubyeda uu noqday kan ugu badan ee ay isticmalaan dadka carabta iyo shacabka reer falastiin iyo guud ahan dadka taageera.

Xigasho BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA