Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israel oo lagu Edeyay in ay caqabad ku noqotay sii deynta Maxaabiis cusub

Talado Nofembar 07, 2023 {HMC}  Qassam Brigades garabka hubaysan ee Xamaas, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay sii daayaan 12 maxbuus oo lagu qabtay Gaza, laakiin xaaladda dhulka weerarrada cirka iyo dhulka ee Israa’iil ay caqabad ku noqdeen in la dhammaystiro”.

Israa’iil waxay sheegtay in 241 qof ay Xamaas maxbuus ahaan u qabsadeen markii ay weerarradooda qaadeen 7-dii Oktoobar. Afar ayaa la sii daayay illaa hadda – laba Israa’iili ah iyo laba Maraykan ah.

Qoraal lagu daabacay kanaalka Telegram ee Guutada Qassam ayaa lagu sheegay inay diyaar u tahay inay sii deyso “12 maxbuus oo Gaza ku jira kuwaasoo haysta dhalashooyinka ajnabiga ah laakiin aysan jirin meel ay mariyaan.

Dhinaca kale, Ciidanka Israa’iil ayaa isbitaalka carruurta ee al-Rantisi siiyay amar ah in ay ka guuraan sababtoo ah waxay doonayaan in ay duqeeyaan xarunta sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Ilaa 70 carruur ah ayaa lagu dawaynayaa halkaas 1,000 qof oo qaxooti ahna waxay magangelyo ka raadsadeen xarunta.

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Turk ayaa bilaabaya booqasho shan maalmood ah oo uu ku tagayo bariga dhexe si uu ugala hadlo xadgudubyada ka dhacay dagaalka Israel ee Gaza.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA