Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Youtuber caan ah oo cambaareyn kala kulmay ceelal uu sheegay inuu ka qodayo Soomaaliya

Talado Nofembar 07, 2023 {HMC}  YouTuber-ka caanka ah ee Mareykanka u dhashay isla markaana samafalka ka shaqeeya ayaa ammaan iyo cambaareynba la kulmay kaddib markii uu sheegay inuu 100 ceel ka qoday Afrika.

Muuqaal uu soo duubay, oo ay daawadeen in ka badan 48 milyan oo qof tan iyo Sabtidii oo uu soo baxay, ayuu Mr Beast ku shaaciyay ceelasha uu ka qodayo 52 ceel oo ku yaalla Kenya iyo 48 kale oo uu ka qodayo Zimbabwe, Uganda, Soomaaliya iyo Cameroon.

Dhowr qof ayaa ku taageeray Mr Beast caawinta bulshooyinka reer-miyiga ah, halka ay dowladaha Afrikaanka ah ku cambaareeyeen leexsashada lacagaha loogu talogalay mashaariicda noocan ah.

Mr Beast, oo magaciisa dhabta ah uu yahay Jimmy Donaldson, ayaa waxaa bartiisa ku xiran 207 milyan oo qof, waana qofka ay dadka ugu badan ku xiran yihiin.

Waan ogahay inay tahay wax yaab leh in YouTuber uu waxan oo dhan sameeyo, balse waa inuu qof isu xil saaraa. Haddii uusan qof kale jirinna, annaga ayaa sameyneyna. Waxay dhab ahaantii beddeleysaa nolosha bulshooyinka halka aan ka dhisnay,” ayuu yiri Mr Beast.

Balse qaar ka mid ah dadka Afrikaanka ah ayaa cambaareeyay, iyagoo sheegay in muuqaalkiisa uu muujinayo takoor lagu sameynayo Afrika oo laga dhigayo qaarad burbursan.

Qaar kale ayaa walaac ka muujiyay saameynta deegaan ee ka dhalan karta ceelasha, iyagoo sheegay inay sababi karto in biyaha dhulka hoose ay guraan.

Mr Beast ayaa difaacay ficilkiisa samafalnimada, isagoo sheegay inuu mar walba bartiisa u adeegsna doono caawinta dadka iyo inuu dadka kale ku dhiirrigeliyo inay sidaa si la mid ah sameeyaan.

Sidee ayuu lacagaha badan uga sameeyaa Youtube-ka?

Jimmy Donaldson, qofka ay dunida online-ku u taqaanno Mr Beast, waa YouTuber-ka ugu wayn ee dunida maanta, waxaanu caannimadaas ka sameeyay hanti gaadhaysa malaayiin doollar.

25-sano jirkan, ayaa dhowaanahan u muuqday mid kasoo fadhiisanaya muuqaal-samaynta wuxuuna u weecanayay dhinaca cunto karinta iyo ganacsiga uu gaarka u leeyahay oo uu ugu magac daray, Mr Beast Burger.

Ganacsigiisa cunta karinta ayaa qabsaday ciwaannada warbaahinta bishii August kaddib markii uu dacweeyay shirkadda u qaabilsan cunto karinta oo uu ku dhaleeceeyay in cuntada ay u samaysay taageerayaashiisu aanay ahayn middii ku habbooneyd.

Bishii Noofambar 2022, shirkadda Forbes waxay ku qiyaastay hantida uu Jimmy Donaldson (Mr Beast) ka sameeyey bartiisa Yuutube-ka lacag gaadhaysa $54 milyan oo dollar oo u dhiganta £42.5 milyan oo Gini sanad gudihii, waana isku darka dakhliga xayeysiinta muuqaallada ku jira akoonkiisa iyo xayeysiinta gaar ah ee uu u sameeyo shirkadaha waaweyn.

Mr Jimmy waxa kale uu leeyahay dhowr kanaal oo ay ku xidhan yihiin tobanaan milyan oo macaamiil ah oo ay ku jiraan mid samafal ah iyo mid lagu soo gudbiyo muuqaallada ciyaaraha.

Ma cadda cadadkaa dhabta ah ee uu kanaaladan kale ka sameeyo, balse Donaldson ayaa waxaa uu caan ku noqday qorshihiisa ganacsi ee ah in uu dib ugu celiyo kanaalkiisa dhaqaalaha kasoo gala, waxaana soo saarista qaar kamid ah muuqaallada uu sameeyo ee uu soo geliyo Youtub-kiisa uu ku bixiyaa lacago malaayiin dollar ah. Waxa uu ku sheegay wareysi lala yeeshay bishii June in uu dib ugu maalgeliyo Kanaalkiisa “dinaar kasta oo aan sameeyo waxaan dib ugu celiya Youtub-ka “. Ayuu yidhi.

Muuqaalka Squid Game In Real Life ayaa ah kan ugu daawashada badan muuqaallada ku jira kanaalkiisa waxaana daawaday 472 milyan oo ruux, waxaana dib u habeeyay shirkadda Netflix, taas oo sababtay in uu ku guuleysto $ 456,000 oo abaalmarin ah.

Marka laga yimaado muuqaallada, Donaldson wuxuu caan ku yahay samafalka, iyo sidoo kale bandhigyada ganacsiga. Waxa uu leeyahay hay’ad samafal oo shati leh oo u shaqaysa sidii bangi cunto si ay u quudiso bulshooyinka Maraykanka ee saboolka ah, waxaana uu sidoo kale uruuriyay tobanaan milyan oo dollar si wax looga qabto isbadalka cimiladda.

Waxa uu sidoo kale bilaabay noocyo kala duwan oo ah cuntada fudud, ganacsigiisa kale ee cuntada fudud ee Feastables, ayaa uu ku sheegay in si joogto ah looga iibin doono gudaha UK.

ISHA BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA