Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada ku dagaalamaya Sudan oo ku heshiiyey in ay fududeeyaan gargaarka

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC} Ciidamada Sudan ee dagaalka kula jira ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ayaa go’aansaday in ay fududeeyaan gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo iyo hirgelinta tillaabooyin lagu dhisayo kalsoonida, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyeyaasha wadahadallada ee Jeddah ka socda.

Labada dhinac, oo dagaalamayey tan iyo bishii April, ayaa horey ugu heshiiyey, taas oo markii dambe sababtay in si degdeg ah u jabiyaan xabad joojin iyo ballan qaadyo ahaa fududeynta gargaarka iyo ilaalinta rayidka.

Dagaallada ka socda gobolka Darfur ee dalka Suudaan iyo magaalada caasimadda ah ee Khartoum ayaa soo cusboonaaday tan iyo markii ay labada dhinac dib isugu soo laabteen wada-hadallo ay garwadeen ka ahaayeen Sacuudiga, Mareykanka iyo urur goboleedka IGAD, bishii hore, waxaana dagaalladaas ka dhashay khasaare xooggan oo soo gaaray dad rayid ah.

Labada dhinac ayaa Talaadadii shalay midba midka kale ku eedeeyay dab xooggan oo ka kacay warshadda saliidda sifeysa ee Al-Jaili oo ku taalla duleedka magaalada Khartoum.

Qaxootiga iyo goobjoogayaasha gaaray Chad ayaa sidoo kale ku eedeeyay RSF inay dib u soo nooleeyeen rabshado dhiig badan ku daatay oo qowmiyadeed oo ka dhacay magaalada El Geneina ee galbeedka Darfur. RSF ayaa dagaalka halkaas ka dhacay ku tilmaantay mid aanooyin qabiil.

Dagaalka ayaa qarxay 15-kii April kadib todobaadyo ay sare u kacday xiisadda u dhaxeysa labada dhinac oo salka ku heysa qorshe la doonayo in ciidamada la isku dhafo taasoo qeyb ka ah ka guurista xukunka militariga loona guurayo dimoqraadiyad rayid ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA