Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dadkii ugu badnaa oo ka barakacay Baladweyne iyo Xaalad adag oo soo Wajahday

Boqolaal qoys ayaa sadaxdii Maalin ee ugu dambeeyay iskaga Barakacay Xaafadaha Magaalada Baladweyne, Cabsi ay ka qabaan fatahaad uu sameeyo Wabiga shabeelle Darteed, kadib markii uu aad u buuxsamay Wabiga .

Dadka waxa ay ka cabsi qabaan in wadooyinka ay ka xirmaan, madaama digniino Culus ay bixiyeen Hay’adaha iyo Maamulka Magaalada Baladweyne. Qoysaskan intooda badan waxaa ay ka barakaceeyn iyaga oo aanan wali magaalada biyaha soo galin. Waxaana intooda badan ay dageeyn Deegaanka Ceeljaalle ee Duleedka Bari ee Magaalada Baladweyne kaga began qiyaastii 5 ilaa 6kmt .

Xaalado dhinaca nolosha ah oo ay ugu horeeyaan Biyo la’aan iyo hoy la’aan ayey wajahayaan boqolaalkii qoys ee naftooda kala baxay Gudaha magaalada. Waxaana dadka ay dageeyn meelo banaan oo taag ah.

Qoysaska qaar oo Hiiraanweyn la hadlay ayaa sheegay in ay awoodi la’yahiin helitaanka nalol maalmeedka qoysaskooda, oo mudo dhowr cisho ah ka maqan Magaalada. Dadka qaar ayaa Ceeljaale dagan 20 Cisho oo waxa ay ka barakceyn daadad Magaalada kusoo rogmaday sadax todobaad ka hor.

” waxaan lasoo barakacay Caruurta iyo hal bac oo aan watay ayaan gaari dameer kusoo qaatay, wax kale oo aan wato malaha, meeshaas banaan ah ayaan jooga. waxaan u baahanahay gurmad deg deg ah. waxaa sidaa sheegay Cabdullaahi axmed oo ah aabaha 13 Caruur ah.”

Qoysaska qaar ayaa ku haray Magaalada Baladweyne kuwaas oo sheegay in xiligan aysan barakaci karin iyaga oo wali biyaha soo galin, madaama ceeljaale ay tahay meel qorax iyo rafaad ah sida ay sheegeyn. waxaa ay intaasi ku dareeyn in ay la socdaan xaalada biyaha iyo halka ay marayaan maalin walba.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne ayaa shalay soo saaray Digniin Culus oo ah fatahaad uu sameeyo wabiga Shabeelle, madaama uu aad u buuxsamay malmahii lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi axmed Maalin Sufuroow ayaa sheegay in in 100%70 dadkii ku noola Magaalada Baladweyne ay iskaga barakaceeyn Cabsi ay ka qabaan fatahaada Wabiga Shabeelle owgeed,

Gudoomiye Sufuroow waxaa uu intaasi ku daray in dadkii ugu badnaa ay dageeyn deegaanka Ceeljaale ee Duleedka Magaalada Baladweyne, malmaha soo socdane ay gaarsiin doonan gurmad deg deg ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA