Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dagaal culus oo Sababay Dhimasho,Dhaawac, Hub iyo Maxaabiisna lagu kala qabsaday oo dhaxmaray Soomaaliland iyo SSC Khaatumo

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC} Deegaanka Buq-Dharkayn ee dhaca gobolka Sool ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamada maamulka SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland, waxaana ka dhashay khasaare aan weli la shaacin baaxadeeda.

Ciidamada maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan taliyihii saadka ee maamulka Somaliland, waxaana ciidamadan u suurtagashay in ay sidoo kale la wareegaan labo gaari oo nooca dagaalka ah.

 

Soomaaliya – Deegaanka Buq-Dharkayn ee dhaca gobolka Sool ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamada maamulka SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland, waxaana ka dhashay khasaare aan weli la shaacin baaxadeeda.

 

Ciidamada maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan taliyihii saadka ee maamulka Somaliland, waxaana ciidamadan u suurtagashay in ay sidoo kale la wareegaan labo gaari oo nooca dagaalka ah.

 

Sawiro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya maxaabiis iyo qalab ay ciidamada SSC-Khaatumo gacanta ku dhigeen.

 

Dagaalo goos-goos ah ayaa weli socda oo u dhaxeeya labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo mas’uuliyiinta maamulka labada dhinac aysan wax war ah ka soo saarin.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA