Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muqdisho oo Kala wareeg iyo xiriir sameyso oo xal loo helay

Arbaco Nofembar 08, 2023 {HMC}  Kalmadaha kala wareeg iyo xiriir sameyso waxay kamid ahaayeen kalmadaha aadka uga noqday magaalada Muqdisho gaar ahaan marka la joogo goobaha hubinta gaadiidka dadweynaha, ay ku amri jireen ciidamada ammaanka.

Muddo ay culeysyo amni ka jireen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ugu dambeyntii waxaa hadda muuqata in isbeddel weyn ku yimid hanaanka baarista gaadiidka dadweynaha.

Ciidamada NISA ee ku sugan Kantaroolada caasimada ayaa hadda mid mid u baara gaadiidka, ayada oo aan lagu xujeynayn xiriir sameyso, balse hadda baaritaan dabadeed iyo hubin muwaadinka kadib waxay deg deg iskaga gudbaan degmooyinka caasimada oo idil.

Dadweynaha Muqdisho oo ka fal-celiyay isbeddelka ku yimid hanaanka baarista gaadiidka dadweynaha ayaa si weyn usoo dhoweeyay.

“Wax badan ayaa isbeddelay, kala wareegii iyo wixii waa dhamaadeen Alxamdulilaah Nabadsugidda haddii aysan aheyn qofka maskiinka ah waa la xujeyn jiray, hadda xujo majirto gaariga ma wadata waa lagu baara hore ayaa lagu fasaxa waana lagu hubinaa,” ayuu yiri mid kamid ah dadweynaha Muqdisho ee ku shaqeysta gaadiidka yar yar.

Baraha hubinta gaadiidka waxay bilihii u dambeysay waxay gacan ka geysteen ammaanka caasimada, waxayna fashiliyeen qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab doonayeen inay magaalada gudaha usoo galiyeen, taasi oo wax badan ka tartay amniga guud ee magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada kala duwan ee hadda caasimada ka howl-gala iyo shacabka mgaalada oo iskaashaday ayaa kow ka ah waxyaabaha xilligaam suurta-galiyay xasilloonida ka jirta caasimada iyo isbeddelada amni ee laga dareeyo magaalada Muqdisho.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA