Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Naadiya Maxamed: Gabadha Soomaaliyeed ee taariikhda cusub ka dhigtay Mareykanka

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC}  Naadiya Maxamed, ayaa ka guuleysatay doorashada duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxayna ka guuleysatay Dale A. Anderson, oo ah howlgab ka shaqeyn jiray bankiyada.

Naadiya oo 26 jir ah ayaa tatiijada horudhaca ahayd ee xalay la shaaciyay ku hoggaamineysay 58% halka ninkii la tartamayay uu heystay 41% codadka.

“Runtii aad iyo aad ayaan u faraxsanahay caawa, runtii guushan teyda keliya maaha ee waxaa ila qeybsanaya dadka igu garab siiyay,” ayay tiri Naadiya.

Waxay sheegtay in kooxdeeda ay aad u dadaashay isla markaana ay albaab ka albaab garaacayeen guryaha dadka magaalada.

“Waxaa igu dhiirrigeliyay dadka oo igu yiri isku sharrax. Waxaan rajeynayaa inaan dadka ka caawin karo waxyaabaha ay u baahan yihiin sida arrimaha guryaha.” Ayay tiri.

Waxay hore uga mid ahayd Golaha Deegaanka ee isla magaaladan oo ay ku biirtay sanadkii 2019.

Naadiya ayaa la rumeysan yahay inay noqoneyso gabadhii ugu horreysay ee Soomaali-Ameerikaan ah ee duq magaalo ka noqota magaalo ku taalla mareykanka. Waxay sidoo kale noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee hoggaamisa magaaladan oo ay ku nool yihiin 49,000 qof oo caddaan u badan. Sidoo kale waxay noqoneysaa qofkii ugu da’da yaraa ee xilkan qabta.

Waxaase xusid mudan, in Deeqa Dhalac, oo ah duqa magaalada South Portland, Maine ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee dalkaasi ka noqotay duq magaalo. Golaha Deegaanka ayaa u doortay xilkan sanadkii 2021.

Minnesota waxay hoy u tahay bulshada Soomaalida ugu badan dalkaas. Sanadihii lasoo dhaafayna Soomaalida gobolka ayaa guulo la taaban karo ka gaarayay doorashooyinka Mareykanka.

Ilhaan Cumar, ayaa taariikh dhigtay kaddig markii sanadkii 2018 ay ka mid noqotay Kongareeska Mareykanka, waxayna sidoo kale noqotay xildhibaanaddii ugu horreysay ee Soomaali ah sanadkii 2016. Maanta, waxaa dalkaasi ka jira ilaa shan xildhibaan oo Soomaali ah.

Waxay Naadiya sheegtay in labada arrin ee ugu mihiimsan ee ay diiradda saareyso ay yihiin ammaanka iyo arrimaha guryaha, oo dadka ay kala shaqeyn doonto helidda guryo la awoodi karo.

Waa tuma Naadiya?

Faadumo Nuur Barqadle oo ah hooyada Naadiya oo BBC-da la hadshay ayaa sheegtay inay kedis ku noqotay guusha gabadheeda.

“Farxad darteed inaan bubo ayaan ku sigtay” ayay tiri.

Waxay sheegtay in Naadiya ay juhdi iyo dadaal badan gelisay doorashada, isla markaana ay tahay qof bulshada kasbata.

“Naadiya waa qof karti badan, furfuran, soo dhoweys badan, dadku isugu mid yihiin. Qof dadka caawiso oo ah qofka tusaalaha u ah ilmahayga,” ayay tiri.

Naadiya oo la dhalatay afar walaalo ah, waxay ku dhalatay dalka Kenya oo reerkoodu ay qaxootinnimo ku joogeen.

Waxay qoyskeedu St. Louis Park yimaadeen iyadoo 10 sano jir ah.

“Hooyadey waxay kasoo qaxday Soomaaliya, Kenya ayayna timid. Labada dalba maaheyn meel ilmo lagu korsan karo. Halkan ayay nagu korisay, waxyana dooneysay inaan nolol fiican iyo waxbarasho helno,” ayay tiri.

“Naadiya habeen iyo maalin ma seexaneyn. Waxay isku wadday howlo badan. Dad badan ayaa sidoo kale garab ku siiyay,” ayay tiri.

Waxay intaas ku dartay in Naadiya ay siyaasadda ku biirtay xilli hore ayna lasoo shaqeyneysay booliiska, sidaasna ay ugu dhalatay inay ku biirto siyaasadda.

Naadiya, keliya Soomaalida ma caawin, balse waxaa sidoo kale garab taagnaa duqii hore ee magaalada ay hadda ku guuleysatay, ee Jake Spano.

ISHA BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA