Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Sargaal Ukraine ah oo ku geeriyooday bam gacmeed Hadiyad ahaan loogu geeyay

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC} Sargaal sare oo katirsanaa ciidamada milatariga dalka Ukraine ayaa geeriyooday, kaddib markii ay ku qaraxday bam loogu geeyay hadiyad ahaan, xilli uu sargaalka u dabaaldegayay maalintiisa dhalashada.

Jenaraal Hennadiy Chastyakov, oo 39 jir ah ahaana La taliyahii madaxa ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa ku geeriyooday qaraxa lasoo qariyay ee hadiyad ahaanta loogu geeyay sida warbaahinta ku warameen.

Sargaalkan oo u dabaaldegayay maalinta dhalashadiisa ayaa la sheegay in qaar kamid ah asxaabtiisa hadiyad ahaan ugu keeneen bam , waxaana la sheegay in wiilkisa uu furay baakada hadiyad ku jirtay sidaasna ugu qaraxday.

Jenaraal Hennadiy Chastyakov ayaana ku dhintay qaraxa hadiyad loogu keenay, halka wiilkiisa oo 13-sanno jir ahna uu qaraxa kasoo gaaray dhaawac culus, waxa uuna falkan argagax badan galiyay milatariga dalka Ukraine uu muhiim u ahaa sargaalkan .

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA