Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

SSC-Khaatumo oo Somaliland ku eedaysay dagaal ka dhacay deegaanka Yeyle ee gobolka Sool

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC} SSC-Khaatumo ayaa dagaal saaka ka dhacay deegaanka Yeyla ee gobolka Sool ku eedaysay Somaliland, iyada oo sheegtay in Somaliland ay dagaal beeleed adeegsanayso.

Qoraal kasoo Xoghayaha Amniga iyo Difaaca Maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu yidhi “Waxay saaka maleeshiyaadka argagixisada Somaliland weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fadhiisimada ciidamada difaaca SSC-Khaatumo ee aaga deegaanka Yeyle ee gobolka Sool”.

Qoraalka ayaa intaa ku daray in Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo oo heegan buuxa ku jiray ay iska caabiyeen maleeshiyaad weerar kusoo soo qaaday.

“Maamulka Hargeysa farsamada cusub iyo dadaalka Muuse ku bixinayo in dagaalka loo badalo dagala beeleed iyo isku dhufashada beelaha daaqsin wadaaga ah ma aha mid maamulka Ssc-khaatumo iyo caalamkaba lagu khaldi karo” ayaa lagu yidhi qoraalka SSC-Khaatumo.

Ugu danbayn, SSC-Khaatumo ayaa Somaliland ku eedaysay in ay caqabad ku tahay nabada sida lagu sheegay qoraalka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA