Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda GAZA Iyo QM ku baaqday xabbad-joojin bini’aadantinimo

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC} Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay xabbad-joojin bini’aadantinimo oo laga sameeyo Gaza, taasoo uu sheegay inay noqotay “xabaasha” boqollaal carruur Falastiiniyiin ah maalin kasta, iyadoo golaha ammaanku uu yahay mid aan waxba ka qaban karin.

“Waddada loo marayo xabbed-joojinta waa caddahay,” ayuu ugu sheegay suxufiyiinta Qaramada Midoobay. “Xabbad joojin bini’aadantinimo waa in hadda la sameeyo.” ayuu raaciyay.

Waxa uu sheegay in dhammaan dhinacyadu ay sidoo kale ixtiraamaan waajibaadkooda, sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, cid kasta oo ku lug leh dagaal hubaysanna aysan ahayn inay ka sarreyso sharciga.

“Tani waxay la macno tahay in la haystayaasha Gaza hadda lagu sii dayn doono shuruud la’aan,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya 240 rag, dumar iyo carruur ah oo ay Xamaas qafaasheen intii lagu jiray weerarradoodii argagixiso ee Oktoobar 7 ee gudaha Israa’iil.

“Weligay kama daali doono in si degdeg ah loo soo daayoo dadka la heysto” ayuu raaciyay.

Guterres wuxuu sheegay in ixtiraamka sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada ay la macno tahay ilaalinta rayidka – oo ay ku jirto inaan rayidka loo isticmaalin sidii gaashaanka – isbitaallada, xarumaha Qaramada Midoobay, hoyga iyo dugsiyada Gaza iyo kor u qaadista gargaarka iyo shidaalka dhulka go’doonsan.

“Mid ka mid ah rafcaannadan waa in aanay ku xidhnayn kan kale,” ayuu yidhi.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan jiri doonin xabbad-joojin bini’aadantinimo haddii aan la sii deyn dhammaan la haystayaasha.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA