Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Doomo loo diray magaalada Luuq si dadka looga soo daad gureeyo

Khamiis Nofembar 09, 2023 {HMC} Hay’adda isku xirka gagaarka Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa shaacisay in lagu howlan yahay sidii loo daad gurayn lahaa illaa 2,400 oo qof oo ku go’doonsan fatahaada ka dhacday degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Hay’adda OCHA oo ka jawaabaysay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in doomo loo diray magaalada Luuq, si loogasoo daad gureeyo dadka halkaas ku go’doosan.

Warbixin hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay, in 1.17 milyan oo qof ay ilaa hadda saamayeen roobabka ka da’ay dalka. Sidoo kale waxay sheegtay in ay 334,800 oo qof ay ka barakaceen guryahoodii, halka ay jiraan 28 dhimasho ah oo ay ku jiraan 8 caruur ah

Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay in 2,400 qof ay ku go’doonsan yihiin biyaha daadka.

Shalay, hay’adda maaraynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa shaacisay in ugu yaraan 29 qof ayaa ku geeriyoodeen daadadkii ugu xumaa oo ka dhashay roobabkii ka da’ay dalka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA