Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israel oo ku Gacan seeyrtay dhex-dhaxaadinta Qatar Sii Deynta Maxaabiista.

Khamiis Nofembar 09, 2023 {HMC} Hay’adda warbaahinta Israel ayaa waxaa goordhow laga soo xigtay in ay Israel ka biyo diiday shuruudaha isku sidkan ee xabad joojinta magaalladda Qaza iyo sii-daynta tobaneeyo La-haystayaal ah.

 

Israel waxay soo jeedisay in marka hore shuruud la’aan la sii daayo la-haystayaasha gacanta ugu jira kooxda Xamaas, ka hor Wada-xaajoodka xabbad-Joojinta KMG ee magaallada Qaza.

 

Hadalka Israel ayaa soo baxay wax yar kadib, markii ay dhex dhexaadiyaasha dowladda Qatar ku dhawaaqeen in horumar laga sameeyey qorshe xabbad-joojin saddex maalin ah oo laga hirgeliyo magaalladda Qaza oo ay colaadaha halakeeyeen, si loo sii daayo 12 La-hayste oo kala-bar Maraykan ah.

 

Ilo ku dhow kooxda Xamaas waxay soo dhaweeyeen dhex-dhexaadintaasi, iyagoo soo bandhigay sii-daynta tobaneeyo la-haystayaal oo lagu bedelanayo xabbad joojin saddex maalin ka tisqaada magaalladda Qaza.

 

Dowladaha Qatar iyo Masar waxay kaalin muhiim ah kaga jiraan xal-u-helista dagaalka Xamaas iyo Israel, xabbad-joojinta aadminimo ee Qaza iyo sii-daynta la-haystayaasha ay labada dhinac kala haystaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA